Miyaa Nala Galaa Waxanu Nahay Geed-labka Isaaqe (Abdi- Shotaly).

0
Tuesday April 02, 2019 - 08:21:15 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 2116
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Miyaa Nala Galaa Waxanu Nahay Geed-labka Isaaqe (Abdi- Shotaly).

    Duqsi mawdki galay baa, fuud kulul dabaashoo, markuu dalaq yidhaah-daa, nolol ugu dambaysee.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Duqsi mawdki galay baa, fuud kulul dabaashoo, markuu dalaq yidhaah-daa, nolol ugu dambaysee.
Ruuxa Arab faraha la galay isagaa faduuli ah, waxan tahniyad halkan uga dirayaa dhamaan beesha Arab, halkay iska taageen, sheekadda Geelle Arab. Maamulka askariga jaha wareersani, haduun buu bad galay, oo heerya-diisu dib u cunay, garbahu hoolmeen, murti baa ahayd ninkii wax ku qaada-nayaw " Dad-qalkii habar-yartii cunay, hooyaddii ma dayna-yaaye". Mid caqli leh maaha, dhan uu ujeedo ama ka jeedo baan jirin-ba, Waxan uga socdaa hadaba, maalin-ba ta ka damabysa, qayladu way is dhaafaysaa, sababta oo ah reer-ba reerka uu ka mudan yahay, baa askarigu u soo xamaamo qaataa. Maantana Arab oo la yaqaano in uu yahay, reer aan lagu safaadin, dheel-dheel iyo is tus mid-na loogu iman, lana fara-gelin, ahna kuwa ugu daacadsan Somaliland, buu Ina Geele Basalka Djabuuti uu askariggii ay xididka yihiin u soo adeegsaday, bal is qab dhaafka jira, hada baa muwaadi-niintii Somaliland uu keliggii taliyaha Jabuuti, yidhi ha lay soo xidh-xidho, oo waaran ay uga soo jartay maxakamadda Hargaysi, Su'aashu waxa weeye, goorma baynu hoos tagnay Jabuuti? oo ay ima maamushay?, oo ay ina xukuntay? horaa uu u yidhi (IHUN) Tima-cade " Duqsiga qudhunku uma soo uro, oo waabu quud-sadaye", qof-ba-qofkuu ka xumaa baa maamulka asakrtu ku xidhay, oo weliba amar la soo siinayaa, la leeyahay sidaas sameeya, waa nasiib-keen. waayo inaka baa daray-gaas is dhignay.

Axmed Geele Arab, oo inta xooli-hiisii la baabi'iyey, badhna uu la wareegay Ina geele Basalka Jabuuti, buu weliba rabaa in uu dal-kiisa ku xukumo, bal edeb daradda intaas le'eg eega iyo kan ku jira Guriggii Moorgan, ee uu yidhi ii soo qabo, Geele Arab oo aan dalkan wax uu u taro iyo dhaqaale gelin mooyee, wax uu ku sameeyey dalkan iyo dadkan aanla hayn, Maxaa loo haystaa denbi oo uu galay. Wuxu yidhi Geele Arab isagoo la hadlaaya askariga, una sheegaaya in ay si wacan isu yaqaanaan Beesha Arab "Adigays gunaanaday askari, oo gooyey baqon-taaye, haddii geesi uu jiro annaa, joooga golihiise, markay gacan timaada-na annaa, haysta gudin weyne, ninka aniga igu geediyaw, geeri baa xigiye. wax-ba hay gabanin ways naqaan, goobta dirireede, Miyaa nala galaa waxanu nahay, geed-labka isaaqe, gudahaas hargaysay ka dhici, goor kastoo imane, ninkay guushu raacdaa la sugi, goor aan dheerayne", Waxan si gaar ah ula hadlayaa, dhamaan Ummadda Reer Somliland, in ay is garab taagaan Beesha Arab iyo Geela Arab, oo dal-kiisii uu ina Cumar Geele doonaayo in uu ku gumaysto, una soo adeegsaday askariga bilaa maskaxdda ah. waxan weliba leeyahay Beesha Garxajis, Gabooye, Samaroon, Harti, waa in ay la soo saftaan, oo Xaqa ku dagaalamaan, hadeer baaba ay la yimaadeen Jabuuti baa beri Gabdh naga guursatay, oo aanu muwaadiniinta ugu soo xidh-xidhaynaaye.

Waxa aan halkan is wacan oo sharaf leh, uga hambaliyey-nayaa, salaadiinta Beesha Arab, Ugaas-koodda, il-dheer garatadda, aqoon yahanadda iyo inta ka hadashay arintan Geele Arab, ee askariga uu leeyahay seedigay baan kuu xidhayaa ( Ina Cumar Geele). Waxan idin leeyahay waxaad kula hadasheen luqaddii uu yaqaanay, sidaas baanu wax ku fahmaa, oo madax madhan baa iska dul saarane, gebgeb-laha meesha joogaa ee aan geeriddii Nebiga ogayni. Waxad qarxiseen siro badan, oo markii aad u tagteen wasiiro ku sheeg-yaddii Cadaaladda, iyo ciidamadda, in Saacado yar guda-hood la bedelay, taas oo cadayn u ah xumaan doonimo. Waa sidaas aad u hada-sheene, u yeedha dhamaan wixii ciidan idin kaga jira, meel kaste oo ay joogaan-ba, In maanta la inagala dhex baxo Geele Arab, waxay inoo tahay Nuqsaan weyn, haddii aynu nahay Mataanaha. Wershaddii SPI iyo guriggii Axmed Geelle Arab, xalay waxa ilaali-naayey in ka badan 100 nin oo direyskii Ciidanka sitay oo Arab ah, iyadda oo uu rabay askarigu in uu albaabadad u soo laalaabo, laakiin waa lagu dhici waayey, Waxan leeyahay Rag-ragga iga dheg Beesha Arab. Waxa weliba intaas sii dheer, in Degmedda Axmed Dhagax iyo M. Mooge laga baqay, oo maleeshi-yaddii loo direy, ay geli kari waayeen xalay.

* N.B Fartu Diidaye Ma Fulaa Dhaqay?

Qore:- Abdi-Shotaly.

[email protected]


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...