ANIGA IYO DAAROOD!

0
Sunday February 23, 2020 - 10:05:26 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 2496
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    ANIGA IYO DAAROOD!

    (DAROD AND I)

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

(DAROD AND I)



 

Geed wayn oo qurac ah buu hoos fadhiyaa, dhulku waa rays, roob la dhac baa meel walba yaal. Geedka jiriddiisa meesha uu ka laameeyo foqor( duleel) ayaa ku yaal, biyo xareed ah ayaana shimbiro kala ceynad ahi ka cabayaan. Laakiin isaga geedku waaba u saldhig maalin kasta ayaa uu ku harsadaa. Waana u madaxtooyo oo qofkii u yimaad buu halkaa ku qaabilaa. Qarnigii labaad ayaa kala bar ah oo boqol konton sano ayaa laga joogaa dhalashadii nabi Ciise (CS) waxaa soo difqaya dhibco roob oo caleemaha geedku qabteen kolkaas baa ay dhoshoq, dhoshoq leeyihiin. Go' bul cad baa uu xiranyahay, mid kalena waa uu garraarsan yahay.

 

Xoog uma dhimmana, lafihiisuna kuwo geel kama yaryara, gerku waa baac aragtidiisana aar libaax baad ku dhaaranaysaa. Seef dheer oo galaysan iyo laba waran ayaa ku tiirsan jiridda geedka, qaanso iyo fallaarna gogosha ayaa ay kula jiraan. Jabaq rag baa soo yeeraysa. Toloow waa kuwama? La arki doonee.

 

" Adeer waa ku salaamay?" ayaan uga nixiyay isaga oo dhegta dhukayanaya. armuu qaanso nab igu siiyaa? Toloow waxaan oo hub ah yuu kula dagaallamayay? Waxbaa jira kolleey. " inankeygii, marxabba, salka soo dhig, aabbe ka warran?" Ayuu igu ajiibay, dhoolla caddayn buu galay tifkii dhukayga lahaana waa uu tuuray, tusbax kuulihiisu geedo ka sameysan yihiinna qorta ayaa uu kala soo baxay. Inta aanan jawaab siin geedo yoob ah oo noo dhowaa qaanso laga soo gamay baa rab ku tiri geedkii salkiisa. Inta booday buu geedka salkiisa isku aaddiyay kolkaas buu qaanso kulul oo deg deg ah ku riday halkii ay ka soo dhacday. Illeyn waa nin dhufeys ku jira isna duullaan lagu soo yahy? " geedka isku soo aaddi adeer rag baan is heynaaye, yaannay ku haleelin e" buu cod hoose igu yiri, kolkaan istaagay bay rab tiri qaanso halkii aan dabada ka qaaday. Nasiib badaniyaa! Alle mahaddii.

 

Ragga duullaanka ahi waa dhowr nin, naag baa ku jirta oo timeheeda ayaan u jeedaa. Affar qaanso ayaa hal mar labada dhinac ka martay. Dhowr kale ayaa ku xigsatay, isagu waa uu sugayaa, iyagu uma kala kaadinayaan qaansooyinka, waa nin iyo dhowr nin, toloow maxaa dhici doona? Qaansooyinkii ayaa ka dhammaaday kooxdii duullaanka ahayd. Ninkii ugu soo horreeyay waa uu sii jaran yahay. Naagtii baa kufkufeysa, isagii waa uu ka daba ordayaa, naagtii buu ka daba tegay. Waa ka gudbay, nin ka horreeyay baa uu timaha ku dhegan yahay. Ninku waa uu cabaadaya.

 

Timihii waa uu ka fuqay oo gacmihii baa uu maroojinayaa. Naagtii iskeed baa ay u istaagtay. Labadoodii baa uu waran ku qabtay oo gogoshii fadhiisiyay. Indhahoogu waa ay cascas yihiin, ilkaha hilib ceeriin ah ayaa uga jirjira timuhu waa raamo. Cowrada cows baa ugu dedan dhar kale ma qabaan, af amxaari baa ay ku hadlayaan. Waxa ay halkaan u yimideen in ay dilaan odoy Daarood. Colaad baa u dhexaysa, waana mid sii socon doontaa lixdan qarni oo hadda ka dib ah. Wiilkii Ogaadeen ahaa baa yimid "Aabbe kuwaan maxaa ay ahayeen?" " waa raggii aan is haynay ee xabashida ahaa, eebbe ayaa ii jebiyay, rabtaa qaansada ka taagan ma u jeeddaa anaa ay igu soo rideen, aniga iyo wiilka adeerba waa ay na dili rabeen" " Allaa inankaan ma adeer Hawiye baa dhalay! Waa halka adeer ee aan qabo, Alla mahaddii haddii aad ii nooshahay, inna mari guriga baan aadaynaaye" caano iyo hilib solan oo kaloorad ku jira ayaan sidaa oo aabbe iiga soo dhiibay adeer Daarood, isaga ayaan ku wareejiya.

 

Hawiye iyo Daarood midba midka kale waa uu ka warqabaa, caano iyo hilib ayaa ay isku soo dhiibaan bil walba, carruurtuudo labad guri kii ay doonaan baa ay ku kala hoydaan, mar iyagoo wada jira ayaa ay dagaal isla galaan isala markaana waa ay is garabsadaan. Habeen baa la gaaray, lax dhogor dhacday, macashuna intaa la egtahay baa gowrac lagu jiiday, beerkii baa dabka la saaray isla markaana isagoo kulul baa xaarin la' iigu soo riday. " Aniga kelyaha ii keena, beerkana wiilka aan adeerka u ahay siiya" waxaa meel cabbar noo jirta ka yiri adeer oo xerada ariga geed u dhow derin ku jiifa.

 

Majeerteen baa yimid oo deganaa meel aan sidaa uga fogeyn reerka, isagu waa uu i garanayay, salaan baa uu igu boobay, laabtana waa i geliyay. Waa nin laba lafood ah, afartan jir baan ku qiyaasay, waa geed xoog weyne ah, dadkana jecel, hal cillad buuse qabaa, cunugga yar inkee waa u faanaa isagu. Ceebtiisa maaha oo waa caadadii, laakiin waa nin aad u wanaagsan. Waligaa ma u martiday. Xanfar buu ku qabaa marti soorka. Dhowr mar ayaa uu noogu yimid howd ku yaal Shillanleey oo reerku yiil.

 

Itoobiyaankii oo socda ayaa soo dhigtay! War adaa la hig leh! Afartii waran ayaan la kala boodnay! Hilibkeennu waa uu noo karsamayaa! anigu dagaalka wax kama aqaan waase gami karaa waranka oo aabbe ayaa i baray. Amxaaradii maanta la qabtay geed halkaana ayaa ay noogu xiran yihiin. Naagta cabaadka ka dhacaya ma suurayn kartid. Hubkii ay wateen ay ay kor u taageen, taas oo ka dhigan in ay nabad doonaayaan.

 

Hubkii ayaan ka qaadnay, derin baan u dhignay, lalama fariisan karo in kaligood meel gaara loo goglo mooyee! maxaa yeelay, dharka ma dhaqdaan, ma cadaysadaan, iyagu jirkooda ma mayraan, uskag baa saaran, hilibka ceyriinka ah ayaa ay cunaan. Haddii aynaan caawo innaga na cunin nasiib ayaanu leenahay!

 

Halkoodii baa ay fariisteen, Ogaadeen baa la hadlay oo afkooga fahmayay, waxaa ay doonayaan in la siiyo dadkii maanta laga qabsaday iyaguna ay dhiibi doonaan geel ay ku beddelanayaan--waa madax furasho--Waxaa kaloo ay sheegeen in ay ka guurayaan Soomaalida dhexdooda oo aynaan mar dambe imaan doonin halkaan.

 

Waa laga qaatay, dad leysku aammini karo maahee dheelmada oo geelii keena berri subax baa loo sheegay. Labada gacmood ayaa ay madaxa saarteen dhammaantood, saf ayaa ay galeen deedna si dureer ah ayaa ay dhabbaha ugu dhaceen. Libaax lugle la yiraahdo ayaa soo dhigtay oo ninkii iyo naagtii geedka ku xirnaa qarjuumsaday. Cabaadkooga waan maqlaynay! Maxaan u qaban karnaa hee? Iyaga iyo ayaankood. Ragna madax furasho ayaa ay ku maqan yihiin oo berri loo madlan yahay, kuwii madax furashada laga bixin lahaana libaax baa caawo ku casheeyay! Subaxdii baa ay yimideen iyagoo wada geelii, lagama waaline raqdii dadkooda iyo raadkii libaaxa baa baa la tusay.

 

Kolkaas mid walba is beddelay, illin ayaa soo wada gudubtay. Raggii meesha ku xiray kama aarsan karaan oo wa laga awood badan yahay. Wax ay qaadi karaan haba yaraadaane ma jiraan. Inta gacmihii madaxa saarteen baa ay waddadii ku dheceen. Majeerteenba yiri "Abbe geela aan ka reebanno" adeer Daarood baa yiri " Maya, tan lagu dhigay waa ay ka sheekeyn doonaan weligood, dhibkooda waa ay nagala guuri doonaan ee yaynaan wax yeelin" Itoobiyaan maalinkaa ayaa uu ka dhex baxay soomaalida. Maalinkaa ayaa ay cadaawaddiisu billaabatay. Ma ahan mid beryo kooban jiri doonta.

 

Weligeed baa ay taagnaan doontaa. Laxdii xalay la qalay helibkeedii jeex aan cunnay mooyee kii kale baa goor barqadii ah adeer kalloorad iigu shubay oo abbe oo shillanleey jooga iigu soo dhiibay. Reeruhu waxaa ay isku jiraan qiyaastii 500km halkii ayaan soo mac salaameeyay adeer iyo reerkiisii oo dhabbihii ayaan dib ugu soo laabtay.

 

Dhowr daqiiqo markii aan waddada ku soo jiray ayaa uu iga hor yimid Mareexaan oo gurigeennii ka yimid, laba maro oo cad cad buu xiranyahay. Bur madax wayn buu wataa, buraashadna garabka ayaa ay ugu jirta, halkii baan cabbaar ku sheekeysannay, deedna waa aannu is macsalaamaynay. Nin walboow hortaa nabiyow ummaddaa. Saddex maalin iyo saddex habeen ayaa loo kala socdaa guriga adeer Daarood iyo Keenna, sidaas oo ay tahayna isma moogaanno hadba reeraha Ujuuraan ee meel walba yaal ayaannu ku leexanna meeshii gabbalku noogu dhaco. Waa iska warqabnaa, mararka qaarna amxaaro iyo orommo ayaan la dagaalnaa.

 

Daarood seddex wiil baa u joogta waa : Majeerteen, Mareexaan iyo Ogaadeen. Hawiyena afar ayaa u joogta waa: Gidir, Muddulood, Karanle iyo Murusade oo yar. Qabiilka ugu badan ee meel walba yaal waa Ujuuraan oo iyagu aan Hawiye ahayn. Noloshu ma adka, hormar badani ma jiro. Soomaaliduna hadda ayaa ay farcameysaa. Daarood waxa uu awoowe u yahay soddon wiil oo kale oo ay dhaleen wiilashiisu. Hawiyena si lamid ah 30 ayaa uu awoowe u yahay. anigu waa maalinkii iigu horreyday iiguna dambeeyday ee aan arko adeer Daarood. Waxaan ahay Gidir oo uu dhalay Hawiye,Daaroodna adeer u yahay. Waana maalin aan ka taariikheyn doona, abshir baa ay ii tahay aragtidiisu. Unkankii Soomaaliduna waa uu billawday.

 

Haddii aad halkaan soo gaartay hambalyo, anaa huba qof akhriska jecel baad tahay! Guuleyso.

 

FG: Geedka uu adeer Daarood joogo, maanta waxaa ku yaal magaalada Carmo, shillan leey oo reerka Hawiye daganaana maanta waxaa ku yaal degmada Galinsoor oo gobolka Mudug dhacda. Sheekadaan waxaa ila wadaagay odoy aannu ka wada shaaxaynay maqaaxi ku taal gudaha isbitaalka Banaadir oo Muqdisho ku yaal.



 

W/Q: Cabdisalaam-Ceeryaamo

[email protected]

Muqdisho-Soomaaliya.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...