Proff Cali Khaliif Oo Ka Hadlay Natiijada Ka Dhalan Doonta Dhaga Adayga Muuse Biixi Ka Muujinayo Fulinta Heshiiskii Khaatumo

0
Friday February 21, 2020 - 19:07:14 in News by
  • Visits: 2078
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Proff Cali Khaliif Oo Ka Hadlay Natiijada Ka Dhalan Doonta Dhaga Adayga Muuse Biixi Ka Muujinayo Fulinta Heshiiskii Khaatumo

    Proff Cali Khaliif Oo Ka Hadlay Natiijada Ka Dhalan Doonta Dhaga Adayga Muuse Biixi Ka Muujinayo Fulinta Heshiiskii Khaatumo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Proff Cali Khaliif Oo Ka Hadlay Natiijada Ka Dhalan Doonta Dhaga Adayga Muuse Biixi Ka Muujinayo Fulinta Heshiiskii Khaatumo


Hargeysa(HWN):-Madaxweynaha maamulka Khaatumo Proff Cali Khaliif Galaydh ayaa ka hadlay sababta ay ilaa hada xukuumada Muuse Biixi u fulin wayday heshiiskii dhexmaray Soomaaliland Iyo Khaatumo.


Proff Cali Khaliif oo ka hadlayey munaasibadii lagu soo bandhigayey buugii labaad ee uu qoray Hogaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa sheegay in shacabka Khaatumo ay ka tashanayaan Somaliland hadii laga sii dhaga adaygo fulinta heshiiskii Hargeysa lagu saxeexay.



Image result for cali khaliif galaydh

Proff Cali Khaliif oo ka hadlaya heshiiskii uu somaliland la galay ayaa waxa uu yidhi "Arimahan dimuqraadiyada iyo walaahawga aynu sheeg sheegno bal halaga soo dago oo umada halkan joogta ee dhulkana u dhalatay ee dantoodana somaliland u aragtay maxay u noqotay in la waayo cid dhagaysata yaa ka jawaabi karaya?


Proff Cali Khaliif ayaa sidoo kale sheegay in shacabka Khaatumo ay qarka u saaran yihiin inay ka tashadaan somaliland waxaanu yidhi "Guddi ayaanu afar sanadood wada shaqaynaynay wax aanu isku diidanahayna ma jirto, bishii June ee sanadkii hore-na heshiiskii oo ka koobnaa 13 qodob ayaanu sii bal balaadhinay oo 22 qodob ayaanu ka dhignay waanu isku raacnay oo waanu wada saxeexnay balse balaayo waxay ka dhacday oo aanu waagii hore maqli jirnay dadka qaarkood ayaa maydkooda xanfalay la tagtaa waxaan u malaynayaa heshiiskayagii xanfalay ayaa la tagtay balse waxaad ogaataan oo aan wakhti dheer noqon doonin in dadkani aanay idin sugi doonin, dantooda ayey u arkeen somaliland balse waa ku hungoobeen.”


Dhawaaqa Proff Cali Khaliif ayaa ku soo beegmaya wakhti labadii sanadood ee ugu dambeeyey uu hogaamiye Muuse Biixi dhagaha ka furaystay fulinta heshiiskii dhexmaray Khaatumo iyo Soomaaliland ee uu saxeexay madaxweynihii hore oo xisbiga Kulmiye ka tirsanaa.


Hadhwanaagnews.com/office

Hargeysa/Somaliland

Loading...
Loading...