Afafka Aan Xuduudda Lahayn

0
Friday February 21, 2020 - 11:04:37 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1017
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Afafka Aan Xuduudda Lahayn

    21 February waxa dunida laga xusaa Maalinta Caalamiga ah ee Afka Hooyo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

21 February waxa dunida laga xusaa Maalinta Caalamiga ah ee Afka Hooyo.
Taariikhdu waxa ay dib inoogu celinaysaa 21 February 1952 markii ay booliska Pakistan xabbad nool u adeegsadeen mudaharaadayaal ku andacoonayay in Luqada Bangalida laga dhigo luqada qaranka. Waxa boolisku halkaa ku dileen afar ka mid ah ardaydii Jaamacadda Dakka. Ugu dambayna 1956 ayay dawladu oggolaatay dalabkii oo Luqadda Bangali ka dhigtay luqada qaranka. Iyada oo taas laga duulayo ayay hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan waxbarashada, sayniska iyo dhaqanka ee UNESCO 1999kii u astaysay Maalinta Afka Hooyo. Tan iyo 2000 waxa dunida laga xusaa 21ka bisha labaad Maalinta Afka Hooyo. Ku dhawaad 7,000 ee Af ee dunida lagaga hadlo ayaa bulsho waliba afkeeda heerka uu marayo iyo horumarkiisa laga arrinsadaa. Halku dhigga sannadkani waa Afafka aan xuduudda lahayn. Waa afafka lagaga hadlo dalal kala duwan. Dadka isku afka ah ee haddana ku kala nool laba dal ama in ka badan oo xad kala sooco waxa soo waajaha dhibaatooyin badan.


Dadka Afsoomaaliga ku hadla waxa ay ku kala nool yihiin dalalka Somaliya, Kiiniya, Jabuuti, Itoobiya iyo Somaliland. Intaa waxa sii dheer jaaliyada Soomaalida ee ku filiqsan meelo badan oo dunida ka mid ah. Waa dad isku af ah hadda na kala hoos taga dawlado kala duwan. Taasi waxa ay afka ku  keentay hagardaamooyin dhawr ah; sida in deegaan ba sidii la qummanaata ay u qortaan Afsoomaaliga. Waxa kale oo ay keentay in ay adkaato in la dhiso guddi Afka qabya-tirta. Af Ingiriisigu lahjado kala duwan ayaa uu leeyahay balse marka ay qoraal noqoto isku si ayaa loo qoraa. Carabiga waa la mid. Waxaa horyaalla dhammaan aqoonyahannada Soomaaliyeed ee dhinaca Afka iyo ciddii kale ee danaynaysaba in ay ka bedka keenaan ama isu raacaan aragtiyaha midaynta qoraalka Farsoomaaliga ee hore loo soo jeediyay.


Dhibaatada xagga dhawaqa waxa aragtiyo wax ku ool ah hore u soo jeediyay aqoonyahanno ay ka mid ahaayeen: AHN Dr Yaasiin C. Keenadiid, Ciise M. Siyaad, Agostini Francesco, Annarita Puglialli. Dhinaca naxwaha waxa aragti qiima badan, sida isku xidhka erayada ee loo yaqaano (Liaison) soo jeediyay Aqoonyahan Axmed M. Sulaymaan Shiraac. Waana ay jiraan deddaalo shakhsiyadeed oo badani haddii se aan wax la isla qaadan lagana guulsaysan qoqobka ay xuduudahaasi keeneen Afku sidaas ayaa uu qabyo u ahaanayaa.


Waxan soo jeedinayaa in qabyada afka meel looga soo wada jeesto sidii loo dhammays tiri lahaa loona samayn lahaa xeerar la isku waafaqsan yahay. 


W/: Maxamed Cabdi Calihayaan

Jaamacadda Hargeysa

Hargeysa, Somaliland.

 

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...