Agaasime Ka Hadlay Dagaal La Sheegay Inuu Dhexmaray Wasiirka Warfaafinta Somaliland

0
Friday February 21, 2020 - 08:35:39 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 3159
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Agaasime Ka Hadlay Dagaal La Sheegay Inuu Dhexmaray Wasiirka Warfaafinta Somaliland

    Agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta Somaliland ayaa sheegay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta Somaliland ayaa sheegay
in aanu dagaal gacan ka hadal ahi dhexmarin wasiirka warfaafinta Saleebaan Cali Koore kadib markii shalay si weyn baraha bulshada iyo saxaafadda loogu baahiyay in labada masuul isu gacan qaadeen.


 

Muddooyinkii u dambeeyay waxa jiray warar ku saabsan in agaasimaha iyo wasiirka khilaaf u dhexeeyo waxaana jirtay in agaasimaha laga joojiyay in uu cid u qoro shidaal.

 

Agaasimaha ayaa iftiimiyay in khilaaf u dhexayn karo isaga iyo wasiirka laakiin, aanay arrintu gacan ka hadal gaadhin ” Wax Dagaal ah oo na dhexmaray wasiirka iyo wax xumaan ah oo dagaal ah oo na dhex taallay midna muu jirin laakiin, kollay si xun wax u sheeg sixir ka daran, shaqo marka la joogo ee la shaqaynayo waxa laga yaaba labada qof sidaa maaha iyo sidaynu u wadna iyo sidaynu u socona noqoto laakiin, Wasiir Saleebaan Cali Koore oo 28 sanno wasiir ahaa iyo aniga oo 7 sanno agaasime ahaa xilka iyo masuuliyadda aanu hayno dagaal gacan ka hadal ah suuro gal kama aha mana dhicin,” ayuu yidhi Agaasimuhu

Loading...
Loading...