Waxa Fiican Hogaamiyuhu Inuu Go'aan Yeesho Kuna Meel Maro.

0
Thursday February 20, 2020 - 15:08:03 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1122
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waxa Fiican Hogaamiyuhu Inuu Go'aan Yeesho Kuna Meel Maro.

    Pro.Gees oo ahaa wasiirkii arimaha dibada ee dawladii

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Pro.Gees oo ahaa wasiirkii arimaha dibada ee dawladii
 Cigaal ayaa waxa uu qoray, sheeko aad u xiiso badan oo dhexmartay isaga iyo Marxuum Cigaal oo Diyaarad khaasa ay u doo diray Melez sanawe oo ahaa raysal wasaaraha Ethiopia, ka dib diyaaradii baa cigaal waftigisi wada deeqi kari wayday ka dib Cigaal baa intuu xanaaqay yidhi waar gunimadu ma fiicnee waxa ma u celinaa oo ma iska daynaa safarkiisa muxuu diyaarad weyn noogu soo diri waayey,wuxuu yidhi sidii baan madaxeynihi ku qanciyey oo diyaaradii ku raacnay.



ujeedada aan u so qaatay qormadan waxa weeye, qofka madaxda ahi waa in marka uu la kulmaayo madaxda dalalka kale waa in wixii waajibkiisa saaran uu si cad u sheego,isagoo dastuurka iyo go,aanka shacabkiisa og, laakiin muuse markuu la kulmay Raysalwasaarihii Ethoipia ee uu ka dalbaday in uu imaado Hargaysa isaga iyo Farmaaje waxay ahayd in uu sicad u sheego oo uu dhaho,Raysalwasaare anoo xushmad iyo sharaf weyn kuu haya,hadana waxa fiican in laysku ixtiraamo go,aankayga iyo waxaanu gosanayn arinkana waa masayar shacab wax aan ku matalona weeye ee suurto gal maaha laakiin siyaabo kale oo aan u kala baxno dawlada walalaha nahay waan ogola,ahay iyo dhexdhexaadintayadana waad gali kartaa maadama oo aad jaarkayaga tahay oo cid kaa xigtaa ma jirto, laakiin muuse wuxuu iska yidhi bal aan umadaydi kula noqdo,oo arinkii basiid buu ka soo qaaday, waayo go,aanku isaguu hor yaalay wuxuuna ku yidhi anaa go,aan ku soo sinaya iyo wagash wagash iyo waxeeni oo uu wax basiid ka soo qaaday in laga tashan karo, ka dib markii uu arkay go,aankiiishacabka oo aad u kacsan una hore ugo aa buu is yidhi yaan lagugu iman madaxtooyadee ,dee waa kii barlamaanka ka hor yidhi maya maya maya maya, hadalkaa waxa looga baahnaa inuu ka hor yidhaahdo raysal wasaaraha Ethopia hortiisa si uu u fahmo go,aanka shacab iyo madaxdeenuba taagan yihiin qadiyada somaliland laakiin iminka waxaan u arkaa Muuse in uu ila meeraysadii ula gudbay dalalka jaarka oo raysalwasaarihii Ethopia halkuu wax kale ka sugaayay uu maqlay muusihii lahaa bal i sug oo hadana Hargaysa ka so leh maya maya maya .


waxaan ku soo gabogabaynayaa qoraalkaygan yar taariikhdii Siyaagiii weyaa ee reer Ingiriis Winston Gurchill oo dagaalkii labaad ee aduunka noqday Raysalwasaaraha Dalka Ingiriska, xiligaa uu noqday Raysal wasaarah ayaa waxa jiray in Dawladii Naziga ee uu hogaaminaayay Hogaamiyihii arxandarada ahaa ee Hitler uu qabsaday badanka dalaka reer yurub ka dibna uu qabsaday dalka franciiska oo ay xuduud wadagaan dalka ingiriiska waxay talo ku cadaatay dhamaan siyaasiyiintii reer ingiriis oo farta wadnaha wada saaray kana baqay in uu qabsadoo dalkoda iyadoo la faray reer ingiris inay is dhiiban intaa burbur laxaad leh loo gaysan, hadaba baarlamanka ingiriiska ayaa dood dheer oo arikaa u saabsan lagu falaqeeyey waxaana dooda ka dhaxaysay labada xisbi ee Labourka iyo xisbiga Conversatve o uu markaa hogaamiye ka ahaa Churchil, xibiga Labourka ee shaqaalhu waxa uu aaminsana in Hitler laysku dhiibo heshiisna lala galo laakiin airnkaa oo aad u adkaa waxa hanafka ku dhuftay Raysal wasaarahe Churchil oo halkaaka jeediyey qudban taariikhda aduunka ku suntay taas oo ah


(We shall fight on the beaches, we shall fight on the landing grounds, we shall fight in the fields and in the streets, we shall fight in the hills; we shall never surrender, and if, which I do not for a moment believe,) waxaanu ka dagaalama doonaa xeebaha, waxaanu ka dagaalami doona dhulka hoose, waxaanu ka dagaali doona beeraha iyo wadooyinka,waxaanu ka dagaalami doona taagyada iyo buuraha, marnaba is dhiibi mayono, oo ah ilaa iyo ta ugu danbaysa, waana lagu taageeray waayo waxa u ogaa go,aanka shacabkiisa.

waxa fiican hogaamiyuhu inuu go,aan yeesho oo uu ku meel maro.


[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...