Al-Baab Aan La Garaacin Buu Tumay Askariggii (Abdi-Shotaly).

0
Thursday February 20, 2020 - 14:44:50 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1467
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 4
  • Share via Social Media

    Al-Baab Aan La Garaacin Buu Tumay Askariggii (Abdi-Shotaly).

    Horaa loo yidhi "Dhurwaa dhukisaad iyo weerar dharaareed

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Horaa loo yidhi "Dhurwaa dhukisaad iyo weerar dharaareed
isla waa" Wuxu yahay micnaha ku jiraa, maalin weyn ma qarsoomaayo, oo xoolo ma weerari karo oo waa la arkayaa, dhumasho-na u socon mayso oo cadceeddii baa dul taagan, ee labadaas mid ha soo maro. waxa kale oo iyana jirta " Waraabaw in aad saamo jiido iyo sanqadh tirasho kala daa" iyana isma raacaane, in aad neef geela kaga cabaadiso iyo in misana raad gato, oo is tidhaaho yaan lagu ogaan. Maah-maah baa iyana ahayd " Meel bur cawsa leh, oo biyo u dhaw, baadi doonyoo biciid-kuba waa" oo looga jeedo waxaan doona-ba ee jecelahay ha la i siiyoo oo aan helo ama sameeyo, sidaan rabo-na aan u socdo, misana yaan la igu garan. Heesaha loo yaqaano qaraamiga murti ku jirta baa odhanaysa "  Dhaw-dhawdu caduur umay dhicin, oo dhabtii bay hibo mooday dheel-dheel" oo iyana ah runtii oo hor taala, baabay iska indha tiraysaa iyadda oo ka dheregsan, bay hadana derbi isku qaadaysaa, oo ay isku maaweeli-naysaa sheeko iyo khiyaali aan jirin. mid kale baa waxay leedahay " Raad gadasho iyo ku noolaansh riyo dhalan-teed ahi, mid-na rays kuma raraan" Waxa jirta oo kale "Tallo xumaani waa tagoogo jab" Murti baa iyaduna ahayd " lug luqun dhaaftay, laf-dhabarkay u dhacdda" lama soo koobi karo ereyadda milgaha leh ee aynu u daliilsan karo, farsama xumaanta askariga ku jira guriggii Moorgan ee " Xaafad-tooyadda" kaas oo isagu wax uu is yeelo mooyee aan weliggii intii uu ifka yimi kob cagaar leh, mudho ka soo gurin wax anfaca, wuxuu bi'iyo mooyaane. Ummad yahay wxa jira " Caruur-caruur aan lala ciyaarine" Askariggii Afkii Maskii Kobraha ( Cobra Snake) buu galay.

 

Waxa maah-maah culusi sheegaysaa " Wan weyni ilaa la gawraco indhi-hiisu cirka ma arkaane" Muwaadin waxa uu " Raggii ma adigaa ka hadhay" Uu is makee-kiyoba, xaqiiq-dda isku dayo in ka dhuumaalays-toba, is yidhaaho been baad ku daba-gaalayn kartaa, kuna ceeshi kartaa, Haday soo ridatay, oo uu al-baabo aan la garaacin tumay, halkaas oo mawla-kulmeedkii dili lahaa uu ugu gacan galay, haday naftii ka sii khiikh leedahay, ee yaa ka saara bilaa kafan buu iilka isku dhigaye. Akhristaw horaa loo yidhi " Geelaw soco-soco oo markaad ciin daaqdo baa laguu yaabaaye" Haduun buu xero aboodi dhex fadhiistay. sarbeeb baa ahayd " Riyo luga-hoodda bay dhudhub ku doon-taane" imika buu meel uu ka baxo la'yahay ee yaa u miciini? Waxan intaas oo dhan u soo dul maray, oo ay tahay ujeedadda aan ka leeyahay. Farmaajo uma yeedhan labadda askari, ee sidda riyaha sare ku yaalxaal-koodda, isagaa ilaa Addis Sababa orod ugu dhuftay, si uu ula kulmo Farmaajaha Mareexaan, oo ku tashaday intuu jilbaha dhigto baryo ku yidhaaho, meel walba waad iga soo xidhaye, wuxuun ii ogolaw. Waxa dabeed lagu xidhay in uu ogolaado Abiy Ahmed Iyo Farmaajo oo wadda socdaa in ay Hargeysa yinaadaan, marka uu intaas sameeyo baa lagaa debcinayaa baa war cad loogu sheegay,waanu aqbalay amar-kaas uu soo siiyey Abiy Ahmed. Hadaba maxaa dhacay intaas ka bacdi?

 

Taladaan la ruugin waa lagu rafaadaa, askari-guna ka lagu guuro-ba ma qabee, Iyadda oo sidaas la isku ogaa, waa kii " Xaafad-tooyadda" dhuumasho ku soo galay gur-guurasho ah, goor aan hadh iyo habeen mid-na aan ahayn, ee lix cisho wax uu ku hadlo garan la'aa, Markii uu arkay halka ay ka taagan yihiin ummadda reer Somaliland imashadda Abiy Ahmed Iyo Ka mareexaan ee loogu yeedho Farnaajo. Aakhirkii isaga oo naf la caarid ah, waa kii oohin la hor yimi labadda Gole ku sheeg ee yidhi, Xusbi-yadda Mucaaridka ah ee hadda jira, si aan saaxadda uga saaro ururo baan  furayaa ( iyaddda oo aanay wakhti-gooddii gaadhin), si ay u soo baxaan kuwo kale oo aan Garxajis ku jirin. ha-yeeshee " Baroortu orgaca ka weyne" wuxu ku jiraa galga-lashaddii ugu dambaysay.Waxa la soo hadlay Abiy Ahmed, oo af buuxa ku yidhi, wax Kaa soconaaya maaha, waxaad ku nac-nac-lasay, wixii aynu isku ogayn waa in aad fulisaa" Waana kugu khasab" In aanu nimaadno Hargeysa anakoo wadda socona, ee af jini iyo mid insi mid uun, u soo dhiib Wasiirka Maaliyadda ee Itoobiya inta Axadda ka horeysa. ilayn Garaad ma leh oo waa kaad taqaanaye. Waxa hadeer ku taagan maah-maah-ddii ahayd " Dhubuq- Dhubuq hore dhabana hays dambe bay leedahaye" Al-baabkii uu is lahaa wax ku soo korodhso, buu guudka iskaga qafilay, daaqad uu ka dhacana ma laha, haduun buu wad-kiisii madaxa iskaga maray, ee yaa ka furfura, waa kan cirka iyo dhulka meel dhex-doodda ah dhac-dhacyee " Allaa kariim. haduun bad galay, isagoon dabaal garanayn, oo ay mawjaddii guudka ka maraysaa, waa kan oo hafaye yaa ka saari. Seeftii ba adul saaran ee yaa ka qaadi doona tolaw, mana ashahaadan yaqaano'e.

 

* N.B Wad-Kiisii Dhun-Kaal Ma Muud-Saday.

Qore:- Abdi-Shotaly.

 

[email protected]

 

 


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...