Sheekadii Qabaalka Q 2aad:

0
Thursday February 20, 2020 - 14:38:10 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1770
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sheekadii Qabaalka Q 2aad:

    Maxaa dhacay? Yaab iyo amakaag ayaa ka dhacay deegaankii

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxaa dhacay? Yaab iyo amakaag ayaa ka dhacay deegaankii
nabada lagu wada deganaa, markeliya ayuu u muuqday meel colaadeed iyo goobo naf waa,  Nin iyo qabaal miyaa layskugu aaraa, mase suurawdaa mise inaga uun bay inaga suurawday oo Somali ka dhex dhacday, hada wax is agyaal maxamed oo meyd ah iyo qabaalkii oo jaban, labada beelood ee ay ka kala dhasheen cumar iyo maxamed waa wada yaaleen markii ay maqleen wixii dhacay waa kala guureen oo sansaan colaadeed ayaa geyigii laga dareemay, beeshii maxamed waxay u guureen bari waxaanay maalintaa gudoonsadeen dagaal ay ku qaadaan beeshii wax dishay ee cumar aadan ka dhashay.


Odayadii, waxgaradkii beeshii cumar ku abtirsanayey waxay gudoonsadeen inay colaadaas damiyaan oo ay bixiyaan magtii maxamed oo ahaa ninkii uu kibirka ku dilay cumar aadan, markiiba waxa ayaamo lagu soo ururiyey magtii waxaana loo yeedhay aadan galaydh oo ahaa aabaha dhalay cumarka wax dilay, markii geelii lasoo tubay ayaa aadan lagu yidhi aadanoow geelii magtu waa kaa ee waxaa ka dhiman tuludii (hashii) aad adigu ku dari lahayd.


Arintaas aadan galaydh wuxu u arkay quudhsi in nin uu inankiisu diley uu mag ka bixiyo, waa yaabe wuu diiday aadan galaydh inu bixiyo tuluda ka dhiman magta bar-baarka godkii aakhiro u hoyday ee wiilkiisu uu gardarada iyo maaga ku dilay welibana ku dhugtamay.


Cumar oo ahaa ninkii wax dilay ayaa aabihii ka dalbaday uguna caqli celiyey inu hasha magta ka dhiman bixiyo, mar hadii uu isagu yahay ka waxdiley, cumar wuxu aabihii aadan ka duraantay in aanu talada reerka ee 12jir ku soo galay aanu ka saarin maanta isagoo 20 gu ubuuxsameen, sidoo kale cumar wuxu aabihii dareensiiyey dibindaabyada lagala kulmo tolka iyo xigaalka.


Hadalkii inankiisa wuxu u qaatay nacasnimo halkaas oo uu ka yidhi odhaah caan noqotay oo ahayd: (waar waxa ifka laguma diline ma uur hooyo ayaa lagu dilay), odhaahdaas ayaa u dambaysay waxaana ay goosteen nimankii tolka la ahaa aadan galaydh inay geelooda ceshedaan ileen aadan oo dilka inankiisu gaystayba shido ma qabee, nin waliba wuxu ka xaystay geelii uu markaa ka hor u soo saaray magta.


Qoladii wax laga diley waxay ergo dhowraanba, waxay go'aansaden inay ka aargoostaan reer aadan galaydh, waxay isu diyaariyeen dagaal ay ku qaadaan beesha aadan, waxaanay soo dumeen col fardoolay ah kuwaas oo isu dhaarsaday inay bar-baarkoodii u aaraan, aadan galaydh oo aanay shido ka muuqan ayaa ku yidhi wiilkiisii cumar orodoo geela u kexee hawd, hadalkaas oo cumarna hawraarsan ku yidhi.


Cumar oon ilaawin wixii uu gastay ayaa geelii kexeeyey, meel dhexe markii uu geelii sii wado ayaa waxa la kulmay niman duulaan ah oo doonaya inay ku duulaan beeshii aadan galaydh waxaanay mar kaliya warmaha ku boobeen cumar oo dileen dabadeedna iska noqdeen, goobtaas cumar lagu dilay oo ahayd bali buuhoodle u dhow ayaa ilaa hada loo yaqaanaa baligii cumar aji waxaana la xasuustaa sheekadoodii markasta oo baligaa la ag maraayo.


Maxaa laga filayaa aadan galaydh oo inankiisii la dilay?

Dagaal baa la oogsaday waxa dhacay dagaalo googoos ah oo dhexmaray labada beelood, tiro lama eegaayo dagaalka ee waxaa la arkaa cida la eryo ee maantaa laga gol roonaado.


Aadan galaydh ayaa wuxu maalin qabtay afar nin oo ay habar-wadaag ahaayeen kana soo jeeda beesha cumar dishay wuxu damcay inu afartaba dilo hayeeshee odayadii beesha ayaa talo ugu soo jeediyey inaanu wada dilin afarta nin ay habaryartii dhashay ee uu mid u reebo islaantii dhashay si uu biyaha ugu dhaamiyo waanu yeelay, markiiba wuxu warmaha ku rideeyey 3 kamid ah ragii walaalaha ahaa waxaanu iska sii daayey nin la odhan jiray boos.


Intaa kadib waxa dhacay dagaalo googoos iyo qaar gaadmo ah, ayaamo badan ayaa fooda lays daray, guryo badan oo rag ah ayaa haawaday, dumar aan yarayn ayaa asay xidhay, caruur aan yarayn ayaa agoontoowday, goblan iyo guryo ba'ay ayaa labada geesba la soo daristay.


Dagaaladaas yar-yar waxa kusoo shaac baxay boos ilaawe oo ahaa ninkii aadan galaydh uu sadexdiisii walaal dilay ee uu marqudha dhegta dhiiga u daray, dagaalada dhexdooda ayuu muujiyey inu yahay nin nin ah oo geesiya loona aqoonsaday, boos ilaawe isagoo isu diyaarinaaya dagaalo waaweyn ayuu u sadcaalay nugaal oo ahayd xaruntii fardaha laysku halayn karayey ay ku dhaqnaayeen lagana soo iibsan jiray, wuxu ka soo iibsaday faras uu siistay geel badan oo markaa faras ka qiimo badnaa, faraskaas oo la odhan jiray boos ilaawe .


Nimankii boos ilaawe hogaaminayey duulaan badheedh ah ayaa ay soo qaadeen waxaana dhacday goobta weyn ee lagu hoobtay ee la magac baxday daboolan, inkasta oo labada dhinacba maydku gagnaa hadana waxa maalintaa la basiyey beeshii aadan galaydh oo nin karmeedkoodii dhegta dhiiga loo daray.


Ayaamo kadib ayaa aadan wuxu isna u kacay dhinaca nugaal oo u doontay faras fardo ka amaanan waxaanu helay oo iibsaday faras qadawlaaye loo bixiyey hawd dhan caan ka noqday.


Aadan galaydh iyo beeshiisii ayaa hadana duulaan bixisay oo weerartay beeshii boos ilaawe waa ayaanba ayaane maantana waxa la basiyey beeshii boos ilaawe, iyadoo la eryano boos ilaawe beeshoodii ayaa wuxu aadan galaydh meel dhinac ah ka arkay faraskii boos ilaawe, wuxu kasoo daba daayey faraskii qadawlaaye markii uu la siman yahay, ayuu si fiican u qabsaday kaalkii iyo warankii si ugu xabaalo boos ilaawe laakiin nasiib daro faraskii ayaa hore u booday isagoo moodaya in lagu dhufanayo ul si uu hore ugu dheereeyo, markiiba wuxu yara dhaafay faraskii boos ilaawe, boos ilaawe oo aad u digtoonaa ayaa markiiba waran misigta kaga xabaalay aadan galaydh oo markiiba faraskii ka dhacay.


Isagoo faraskii xadhigiisii haysta aadan galaydh ayaa waxa soo gaadhay niman beeshiisa ah markaas ayey ku yidhaahdeen waar aadan bal waran sidee wax kuu gaadheen, aadan oo markaa naftu kasii baxayso ayaa ku jawaabay (markaan Tamar hayeyna talo ma hayn maanta oo aan talo hayana Tamar ma hayo aduun I khatal). Odhaahdaas oo gadaalkii maah-maah noqotay ayaa waxa loo soo qaataa nin markuu tamar lahaa taladii iyo marinkii haboonaa seegay marku taladii gartayna ay tamari u run sheegtay.


Waa sheekho soo so noqoshadeeda eebe weyne laga magan galo se wax ku qaadasho mudan.

Ismaciil mire oo ahaa abwaan weyn oo suugaan yahan ah kana isirnaa deegaanka ay dhacdadani ka dhacday ayaa tilmaamay wuxu dagaalkaas u dhacay ay ahayd qabaal yar oo ninkii lahaa tolan karayey ama kari karayey wuxu yidhi:

·      Lixda nin ee reer cali geri ee kawda iska siiyey

·      Kasi wuxu waa qabaal waana kabataane

·      Ragow kibirka waa lagu kufaa ee kaa hala ogaado.

 

W/Q: Cabdirisaaq Axmed Cigaal (Darwiish)

[email protected]  Ama 0634240189

 

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...