Muuse Biixi Dalka Looga Biqi Maayo.

0
Thursday February 20, 2020 - 14:31:08 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 995
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muuse Biixi Dalka Looga Biqi Maayo.

    Is baddalada caalamka gaar ahaan geeska ka socda waa mid

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Is baddalada caalamka gaar ahaan geeska ka socda waa mid wajiyo badan taaban kara,taas oo wax walba u muuqan karto si ka duwan sida ay yihiin.

 

Gaar ahaan isbaddalada waaweyn ee ka dhacay dal weynaha ethiopia ee ay ku kala noolyihiin shucuubaha kala duwan ee ood wadaagti ihi kuwaas oo la isku dhaho ethiopia ,ayaa intuu abey ahmed yimi laga dareemay wax aan waligeed laga dareemin ethiopia.

 

Iyada oo moodo inay isku soo dhawaadeen ethiopia iyo eratartia oo muddo fara badan ka dhaxeeyeen collaad iyo riiq dagaaleed.

 

Iyo inuu fursad u helllay inuu ethiopia ka dhigo meel ka duwan sidii ay ahaan jirtay taasi oo u furtay dariiq iyo waji cusub.

 

Arrintii sudan iyo sida uu mandiqada ugu muuqday waxaad moodaa in uu ebeey ahmed" ku  mutaystay qaadashada iyo kasbashada jaa"izada nabada aduunka ee Nobel peace price-ka. 

 

Intaasiba waa wax wanaagsan hadduu qabtay,balse ebeey wuxuu kalloo doonayay in uu sii dhigo mucjiso kale si uu uga faa'idaysto arrinta ka dhaxaysa jamhuuriyada somaliland iyo jamhuuriyada soomaaliya iyo qadiyada ay isku haystaan ee madaxbanaanida iyo gooni isku taaga somaliland.

 

Soomaalida oo siyaasada marka laga tago wax dhibaata ah ka dhaxeeyn taas oo ku caddaynasa siduu ganacsiga dhexdooda iskaga kala goosho balse siyaasadaha lagukala duwanyahay ayay somaliland samaystay dawladnimo iyo wanaag fara badan oon loo quudhayn.

 

Abey oo raba siduu sumcad uga hello caalamweynaha ayaa rabbay inuu keeno hargeysa farmaajo si uu noqdo hoggaamiyaha afrika ugy saamaynta badan.

 

Inuu farmaajo yimaado hargeysa wax ku jaban ma jiraan balse imaanshihiisu waa inuu ka horreeya aqoonsi uu u fiddiyo jamhuuriyadda somaliland.haddii kale iska jooga ayaa u wanaagsan.

 

Arrinta uu muuse ku dhaqaaaqay waxay siisay taageero badan taas oo khudbadiisu noqotay khudbadii abid ugu saamaynta badnayd.halku dheg u noqotay muuse dalka looga biqi maayo.

 

Somaliland oo juquraafi ahaan caalamku danaynayaan ayaa laga maarmaan u noqon doonta in ay usoo baratamaan quwadaha shisheeye.

 

Si walbay ahaato mar kalaan ku cellinayaa muuse dalka looga biqi maayo maqalka maanta

 

[email protected]


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...