Madaxweyne Famaajo Oo Safiir Cusub U Magacaawday Dalka Turkemenistaan
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa markii ugu horeeysay Danjire Cusub u magacaawday dalka Turkemenistaan, isagoona laga guddoomay Warqadihiisa aqoonsiga.
Cabdullaahi Jaamac Maxamed (Ceydiid) oo ah Safiirka Dowladda Soomaaliya ee Turkiga ayaa loo magacaabay Danjiraha Cusub ee Soomaaliya ee dalka Turkemenistaan.
Sidoo kale Safiir Ceydiid ayaa waxaa warqadaha aqoonsiga ka guddoontay Haweeneyda Guddoomiyaha ka ah Baarlamaanka Turkemenistaan Gulshat Sahyewna Mammedova.
Wakaalladda Wararka Turkmenistan ee Trend News Agency ayaa sheegtay in Cabdullaahi Jaamac iyo Haweeneyda Gulshat Sahyewna uu kulan dhexmaray, iyagoona ka waday xoojinta xariirka labada dal ee ku aadan dhinacyo kala duwan.
Ambassador Cabdullaahi Jaamac Maxamed ayaa noqonaya Safiirka dowladda Federaalka Soomaaliya u fadhin doona Turkiga iyo Turkeministaan.