War Deg Deg Ah: Hogaamiye Muuse Biixi Oo Dekeda Saylac U Saxeexay Dawlada Itoobiya Iyo Xogo Ka Soo Baxay Kulankii Maanta.

0
Wednesday February 19, 2020 - 19:46:34 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 8836
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 4
  • Share via Social Media

    War Deg Deg Ah: Hogaamiye Muuse Biixi Oo Dekeda Saylac U Saxeexay Dawlada Itoobiya Iyo Xogo Ka Soo Baxay Kulankii Maanta.

    Hadhwanaagnews ayaa sheegaya in kulankan lagaga hadlay qodobo door

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hadhwanaagnews ayaa sheegaya in kulankan lagaga hadlay qodobo door


Hargeysa(HWN):-Weftigii uu hogaaminayey wasiirka maaliyada dalka Itoobiya Axmed Shide ayaa kulan albaabadu u xidhan yihiin la yeeshay hogaamiyaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.


Sida ay sheegayaan warar soo Gaadhaya shabakada caalamiga ah ee Hadhwanaagnews ayaa sheegaya in kulankan lagaga hadlay qodobo door ah oo la xidhiidha siyaasada Geeska Afrika iyo isbadalada ka socda.

 

Inkasta oo aanu jirin war ay xukuumada Muuse Biixi ka soo saartay kulankan hadana wararka ay helayso Shabakada Hadhwanaagnews ayaa sheegaya in layskula qaatay qodobo muhiim ah oo la xidhiidha isdhexgalka dhaqaalaha ee wadamada Geeska Afrika.

 

Wararka ayaa sheegay in hogaamiye Muuse Biixi uu aqbalay qorshe ay miiska soo saartay dawlada Itoobiya oo la xishiidha damaca kaga jira dekeda magaalada Saylac ee gobolka Selal.

 

Weftiga ka so day dalka Itoobiya ayaa hogaamiye Muuse Biixi hor dhigay inuu u saxeexo maalgashi ay ku sameeyaa isla markaana ay kula wareegaan dekeda magaalada Saylac, taas oo hogaamiye Muuse Biixi shuruud la,aan ku aqbalay.

 

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in laga wada hadlay qodobo kale oo muhiim kuwaas oo khuseeya qadiyada somaliland balse aanay labada dhinac ka gaadhin heshiis ku saabsan qaabka loo meel marinayo.

 

Talaabadan uu hogaamiye Muuse Biixi qaaday ayaa ku soo beegmaysa wakhti ay dadweynaha Awdal iyo Selal ee ay ku taalo dekeda Saylac ay ka sugayaan raali gelin iyo garawshiyo uu ka bixiyo xasuuqii uu ka gaystay goboladaasi.

 

Sidoo qorshaha uh Muuse Biixi Ku Bixiyey Dekeda Saylac ayaa imanaya iyada oo aanay dekedii Berbera waxba u soo kordhin heshiisyadii ay ku wareejiyeen isla markaana aanu muuqan doorkii dawlada Itoobiya maadaama oo ay saami ku leedahay

 

Wixii Warar Ah Ee Ka Ka Soo Kordha Kala Soco Hadhwanaagnews.com



Loading...
Loading...