Takoorka Ba'an ee Beesha Madaxweynuhu Kawado Wasaardaha Dalka Ma Ina wada dhaqaya...W/Q Ayaan Maxamed

0
Monday April 01, 2019 - 20:30:10 in Articles by
  • Visits: 1729
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Takoorka Ba'an ee Beesha Madaxweynuhu Kawado Wasaardaha Dalka Ma Ina wada dhaqaya...W/Q Ayaan Maxamed

    Takoorka Ba'an ee Beesha Madaxweynuhu Kawado Wasaardaha Dalka Ma Ina wada dhaqaya...W/Q Ayaan Maxamed

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Takoorka Ba'an ee Beesha Madaxweynuhu Kawado Wasaardaha Dalka Ma Ina wada dhaqaya...W/Q Ayaan Maxamed
Bulshada Somalialand Waxan halkan ugu ugu soo gudbinayaa xaqiiqooyin badan oo ku wajahan ,arimaha sababay in mar walba aad warbaahinta ku aragto dhaliilaha isbarkan ee ku wajahan waxka sheega siloon ee sida gaarka ah loogu bartil maameed sanayo Agaasimaha Waaxda Maamulka iyo Lacagta ee W/Warfaafinita Dhaqanka iyo Wacyi-gelinta Somaliland .

• Maxay tahay sababta ka dambeysa in si gaar ah Tooshka loogu ifiyo Agaasime Waaxeedkan?
• Ma xulafo iyo isbahaysi kooxo kala duwan ah baa Dagaalka ugu badan ku haya mise Qabiil gaar ah oo ku gabanaya shaadhka shaqaalaha wasaarada ?
• Intee in le'eg ayay Soo jiitamaysay dagaalka dhagaraysan ee lagu hayo masuulkan ?.


Su'aalahan iyo kuwo kale oo badan ayaan qaybaha kala duwan ee qoraalkayga jawaabohooda idiinku soo bandhi doonaa insha Allah .

Marka hore hadaad aragto qof dedaal badan oo Shaqdiisa gudashadeeda ka adag isla markaasina ku fara adayga gudashada waajibaadkisa Alle iyo kan Bulshadiisa uu u hayo , Waxa uu yeeshaa kumanaan cadaw oo nooc kastaba ka kooban .

Shakhsiyada Agaasime Waaxeedkan Maamulka iyo Lacagta ee Wasaarada Warfaafinta XASSAN XAAJI MAXAMUUD MUXUMED run ahaantii Waa Shakhsiyad marka aad barato markiiba aad qiimeyn karto mana aha qof dun xun waana nin ay ugaar yihiin sifooyinka xaga sare aan ku xusay.

Ninkani intii uu joogay Wasaaradan Waxa habeen iyo maalinba gucle orod ugu jira madaxda iyo shaqaalha Beesha Madaxweyne Muuse Biixi , Sidii ay Shirqoolo iyo Dabino dhagaraysan ugu dhigi lahaayeen .

Waxa kaloo iyana meesha aan ka maqnayn Barobagaanidada aan la qiyaasi karin ay ku wadaan beeshan dhan ee wiilkaa yar isu bahaysatay .

Bulshada Reer Somaliland Way ka wada dheregsan yihiin xumaanta xiqdiga iyo xaasidnimada taala Wasaarada Warfaafinta taasi oo hurinta kow ay ka yihiin Shaqaalaha Beeshaasi .

Aniga Shakhsiyan Wiilkan Waxba ma wadaagno balse arinta Maqaalkan inaan Qalinka u qaato ee igu keliftay waxa weeye , falkaa xun ee Takoorka xambaarsan ee ay ka xishoon waayeen shaqaalaha shaadhka qabiilaysan huwan ee waabeyda sunta ah wiilkaasi la dabo taagan.

Beesha Sacad muuse inaanay xishoon waxa kuu cadaynayaa waxa weeye, waar ilaah baan idinku dhaarshaye Reerka Shaqaalaha Dalka Ugu badan ee Madaxweynihii Qaranka leh , ee shaqaalaha iyo Agaasime Waaxeedyada Madaxtooyada leh ee weliba wasaaradan Warfaafinta ee Mawduucaygan aan kaga hadlayo Shaqaalaha ugu badan leh .

Xayawaanka Yey-da ee Markay damcaan inay wax cunaan Hal mar kuwada dega wixii kasoo hor baxa Carabka Mariya .

Waxa wakhtigan lamid noqday Shaqaalahan Sacad Muuse ee aan qajilayn oo sida YEY-DA Carabka La Daba jooga inankan Agaasime Waaxewdka ah .

War nimanyohow Walahay Bilahay Waxaasi Ina wada dhiqi mayso Dalkan aad Ninkii Aan Beesha Dhexe ahayn ee ad isugu habar wacanaysaana Cidi idinka yeeli mayso .

LASOCDA QAYBTA 2AAD MAQAALKAYGAN .
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...