Gaobood Falada Dulmiga Iyo Cadaalad Darada Ka Jirta Hargeisa

0
Wednesday February 19, 2020 - 09:33:46 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1385
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gaobood Falada Dulmiga Iyo Cadaalad Darada Ka Jirta Hargeisa

    Inan ka mida Agasimayaashi ka socday wasaradaha dhowaanta

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Inan ka mida Agasimayaashi ka socday wasaradaha dhowaanta

 loo qaatay shaqlaha world banku lacagta siinayoo kana mid ahaa panalkii Dadka kala saarayey oo aan waydiiyey sidii loo musuqmaasuqay bosaskii ayaa ii sheegay
-----
"Walal Anaga wan ku Qasbanayn in waxii wasiirka iyo Gudomiyaha Hay'ada shaqalaha ay Rabaan inaan fulino waayo hadii maanta wasiirka ka hor imaado oo uu isoo qoro shaqo ka caydhin gudomiyaha Hay'ada shaqalahana hore ayuu ka Aqbalaya"


-----
Markale ayaan waydiiyey sowtii laydin dhaariyey ee aad kitaabka Gacanta saarteen waxanu iigu jawaabay
----
"Kitaabka sow iyagaba Gacanta may saarin inay Dadka dhex u Noqonayaan Hadan sowkuna rabitaankooda na dhac marsanaya"
-----
"Mida kale anaga waxan waa nalagu khasbay hadaanu diidnona shaqada nalaga erayey markaa Diintu wixii qofka muslimka lagu qasbo looma xisaabiyo Dhaartayaduna Sax ba may ahayn " Markaa arinku waa kitaab alah dantay ma Ogga.
-------
Somaliland uma Baahna Qof xafiis laga bedelo oo mid kale lagu bedelo waxay u bahan tahay in systemkan iyo Tool-kan meesha yaala ee Hadaba kii yimada ku shaqaysto ee ay saldhiga u yihiin Qaraba kiilka,Eexda' cadalad Darada,musuqmaasuqa,isku Dul noolaanshaha meesha laga saaro laguna bedelo Hab ama nidaam leh isla xisaabtan iyo Daah furnaan ku dhisan Maamul wanaag iyo Shuruuc oo la wada ilaaliyo.
-----
Dadkaba Cadalad baa Deeqada iyo
Ilaalinta Xuquuqdooda Asaasiga ah
-----
Inkasta oo uu Gudomiyihii hore ee Hayada shaqalaha Dawlada uu sameyey Logadan Miisaanku ku sawiran yahay ee Calamada u ah Hay'ada shaqalaha macnaheeduna yahay Cadaalad waxan kan iminka Jooga kula talin lahaa inuu iska Furo madaama uu caan ku yahay Cadaalad Darada ila xata wakhtigii uu wasarada Duulista joogay
-----
Shaki kuma jiro in hadii Cadaalad la helo in lays wada jeclaanayo

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...