Mareykanka oo cambaareeyey dilkii weriye Cabdiweli

0
Wednesday February 19, 2020 - 06:39:34 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1559
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mareykanka oo cambaareeyey dilkii weriye Cabdiweli

    Mareykanka oo cambaareeyey dilkii weriye Cabdiweli

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mareykanka oo cambaareeyey dilkii weriye Cabdiweli

Hargaysa(HWN):-Safaarada Mareykanka ee Muqdisho ayaa cambaareysey dilkii bishan 16-keedii loogu geystey wariye Cabdiweli Cali Xasan magaalada Afgooye ee gobolka Shabellaha Hoose.


Qoraal ka soo baxay safaarada ayaa lagu sheegey in wariye Cabdiwali uu ahaa wraiye madaxbanaan oo u shaqeynayey Radio Kulmiye iyo TV-ga Universal.


Waxa ay safaaraddu tacsi u dirty xaaskiisa iyo caruurtiisa, saaxiibadii iyo dadkii ay shaqo wadaaga ahaayeen.

Safaardau waxay sheegtey in beegsiga iyo dilalka dadka warbaahinta ka shaqeeya, oo shaqadoodu tahay in ay warka gaarsiiyaan waxna baraan bulshada, ay tahay mid ay Al-Shabaab ku dooneyso in ay ku aamusiso codadka Soomaaliyeed.

Safaaradu waxay bogaadisey howsha ballaaran ee halbowlaha ah ee ay wariyayaashu hayaan, sidoo kalena waxay sheegtey in ay aqoonsan yihiin qatarta iyo culeysyada ay ku shaqeeyaan.

Qoraalkaas ayey safaardau ku sheegtey in Mareykanku ay garab taagan yihiin dadka Sooomaaliyeed, si ay u wada difaacaan xoriyada lama taabtaanka ah ee warbaahinta iyo xoriyada hadalka.

Safaaadda ayaa ugu dambeyn ku baaqday in la soo afjaro dhaqanka rabshada iyo nabadgelinta kuwa wax dila oo ah mid qatar ah.

Xigasho:-VOA
Loading...
Loading...