Xanuunka Coronavirus Oo Xaalad Cusub Oo La Xidhiidha Duulimaadyada Ku Soo Kordhiyey Dunida

0
Tuesday February 18, 2020 - 15:05:16 in News by
  • Visits: 1664
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xanuunka Coronavirus Oo Xaalad Cusub Oo La Xidhiidha Duulimaadyada Ku Soo Kordhiyey Dunida

    Xanuunka Coronavirus Oo Xaalad Cusub Oo La Xidhiidha Duulimaadyada Ku Soo Kordhiyey Dunida

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xanuunka Coronavirus Oo Xaalad Cusub Oo La Xidhiidha Duulimaadyada Ku Soo Kordhiyey Dunida


Shirkadaha duulimaadyada khaaska ah ayaa sheegay inay aad u bateen dadka wax ka weydiinaya diyaaradaha sida gaarka ah loo kireysto tan iyo markii uu dillaacay xanuunka coronavirus.

Diyaarad


Iyadoo ay shirkadaha duulimaadyada caadiga ah ay yareeyeen safarradooda Shiinaha, ayaa waxaa hadda go'doonsan dad badan uu ku sugan gudaha iyo dibedda waddankaasi.


Dadka maalqabeenka ah ayaa billaabay inay kireystaan diyaarado khaas ah si ay u tagaan goobaha ay doonayaan, walow kharashka ku baxaya uu aad u badan yahay.


Hase yeeshee shirkado badan ayaa iska diiday dalabaadkaasi maadaama ay jirto xayiraad dhanka socdaalka ah iyo iyagoo la' diyaarado goobahaasi u duulla.


Darin Voyles oo ka tirsan shirkadda Paramount Business Jets ayaa sheegay inay aad u bateen dalabaadka duulimaadyada khaaska ah, balse aysan awoodin inay fuliyaan.


"Qaar badan oo kamid ah shirkadaha duulimaadyada khaaska ah ayaan dooneyn inay diyaarado iyo shaqaale u diraan dhul-weynaha Shiinaha, maadaama ay taasi khatar gelin karto caafimaadka shaqaalaha iyo in marka ay soo laabtaan la karantiilayo muddo laba todobaad ah,"


Shirkadda MyJet Asia ee fadhigeedu yahay Singapore ayaa sheegtay in bishii la soo dhaafay ay heshay dalabaad boqolkiiba 90 ka badan kuwii hore. "Dad badan ayaa Shiinaha ka soo baxay xilligii sanadka cusub ee dalkaasi, waxaana ay hadda doonayaan inay dib ugu laabtaan," ayuu yiri Logan Ravishkansar oo ah madaxa shirkaddaasi.


Qaar badan oo dadkaasi kamid ah ayaa doonaya inay ka degaan magaalooyinka Beijing, Shanghai iyo Hong Kong.


"Balse wey xaddidan yihiin magaalooyinka aan ka degi karno, shirkadaha ma oggola inaay qaadanno diyaaradahooda xitaa dalabaadka sarreeya awgood," ayuu hadalkiisa raaciyay Ravishkansar.


Dhanka kale waxaa jira dad badan oo ku go'doonsan gudaha Shiinaha kuwaasoo doonaya in halkaasi laga daadgureeyo.


Diyaaradaha aadka u yar ee qaada labada ilaa afarta qof ee rakaabka ah ayaa saacaddii waxaa lagu kireeyaa 2,400 oo doolar sida ay sheegtay shirkadda Paramount Business Jets, halka kuwa dhexdhexaadka ah ee qaada sideed ilaa tobanka qof ee rakaabka ah saacaddii lagu kireeyo 6,000 oo dollar.

Loading...
Loading...