Suudaan Oo Ogolaatay Inay Hawadeeda Adeegsadaan Diyaaradaha Israel.
Dayaaradaha Laga Leeyahay Israel Oo loo Ogolaaday Inay Isticmaalaan Hawada Suudaan.
Mr Netanyahu ayaa sheegay in Isra’iil ay dhanka farsamada ka taageeri doonto dagaalka ay suudaan kula jirto kooxaha argagixisada ee gacan saarka la lahaa maamulkii madaxweyne Cumar Xasan Al-Bashiir, waa sida uu hadalka u dhigaye.
Al-Bashiir ayaa xilka laga tuuray bishii April ee sanadkii hore ee 2019-kii kadib dibadbaxyo xoogan oo mudo bilo ah ay kaga soo horjeesteen shacabka Suudaan.
Mr Netanyahu oo ku sugnaa magaalada Jerusalam ayaa xaqiijiyay in diyaarada ay axadii shaalai isticmaashay hawada dalka Suudaan ayna muujineyso isbadalka ku yimid xiriirka Qartuum iyo Tel Aviv.
Saraakiil ka tirsan xukuumada Isra’iil ayaa dhankooda xaqiijiyay arintaan waxaana ay u sheegeen majalada Haaretz in diyaarada ay aheyd mid si gaar ah loo leeyahay.
Diyaarada laga leeyahay Isra’iil ayaa markii ugu horeysay isticmaashay hawada dalka Suudaan, iyadoo ra’isul wasaare Benjamin Netanyahu ku tilmaamay in tusaale wanaagsan ay u tahay in uu soo laabtay cilaaqaadka labada Wadan.
Mr Netanyahu ayaa sheegay in Isra’iil ay dhanka farsamada ka taageeri doonto dagaalka ay suudaan kula jirto kooxaha argagixisada ee gacan saarka la lahaa maamulkii madaxweyne Cumar Xasan Al-Bashiir, waa sida uu hadalka u dhigaye.
Al-Bashiir ayaa xilka laga tuuray bishii April ee sanadkii hore ee 2019-kii kadib dibadbaxyo xoogan oo mudo bilo ah ay kaga soo horjeesteen shacabka Suudaan.
Mr Netanyahu oo ku sugnaa magaalada Jerusalam ayaa xaqiijiyay in diyaarada ay axadii shaalai isticmaashay hawada dalka Suudaan ayna muujineyso isbadalka ku yimid xiriirka Qartuum iyo Tel Aviv.
Saraakiil ka tirsan xukuumada Isra’iil ayaa dhankooda xaqiijiyay arintaan waxaana ay u sheegeen majalada Haaretz in diyaarada ay aheyd mid si gaar ah loo leeyahay.
Arintaan ayaa ku soo aadeysa kadib kulan laba todobaad ka hor dhaxmaray madaxweynaha ku meel gaarka ah ee Suudaan Mr Cabdifataax Al-Burhaan, iyo ra’isul wasaare Benjamin Netanyahu.
Bbc Engilish
Borama Xafiiska Hadhwanaag
Loading...
Loading...