Saleebaan Gaal Iyo Kud-Madaw Waa Makarafoono La Kireysto ( Abdi-Shotaly).
Illaah caafimaad ha siiyo iyo cimri dheer oo wacane, Madax-Weyne Daahir Riyaale baa markuu Madax-weyne Siilaanyo ku wareeji-naayey xukunka ay ka mid ahayd Khudbadiisii " Somaliland aniga gacan-taydda ku burburi-mayso, ee dad iyo dal wadda socdad baan kaaga tegay" Waar miyaa loo soo waxyooday baad odhanaysaa, saw saaka ma taagna wixii uu ku dar-daarma? Miyey ninka qarsoontay imikana, kuwii u daba-dhilifyadda ahaayaw? in ay iyaku wateen oo hoosta ka doonayeen in ay somaliya ina geeyaan marka ay ka xoiogsadaan? Yaan ku daaline, waxad maqalayseen, odayga asaasaqa ah ee Saleebaan Gaal iyo Kud-madawi waa laba makarafoon, oo ay labadda askari ku hoos ugu hadlaan, oo inta afar dhagax loo geliyo lagu yidhaaho, naga sii hor hadla, bal waxa ummadu tidhahao banau eegaynaaye. Odayga Gaal wuxuu ku hadaaqaayey, ee uu lahaa "Hadii iyadda oo farmaajo la xambaarsan yahay la inoo keeno, mid-na waan soo dhawaynaynaa, mid-na soo dhawayn mayno, bal waxaasi wuxu ku hadlayao dhegaysta nacsnima-diisa iyo caqli xumana-tiisa, wuxu edeb daranaa , ma caruur buu wax u sheegayaa? Laba nin oo meel wadda taagan, wadda socdda oo salaan ku qalalsan yihiin labadda askari ee aynu isla og-nahay, sidee baa loo kala reebi karaa? "ilayn isku meel baaba ay taagan yihiine.
Ka kuusha iyo Cunaabiga habluhu xidhaan, iska soo laalaadiya siddii inan guur doon ah waa ka loogu yeedho Kud-Madawe, isna maradda uu ku jiraa way madhan tahay, Waa makarafoonka codka sii baahiya ay soo wadaan labadda askari, waa dhuuni raac-yadda ka ugu weyn ee la kireysto inta aanay hadlin " raggii ma adigaa ka hadhay iyo Geenyo Shaaximani" Waxa lagu tijaabiyaa oo la sii faraa, in uu hor-dhac ahaan u sii daayo waxay odhan doonaan, wuxu ka dhigan yahay oo ay u isticmaalaan siddii " Mashqacii la ruubi jirey Hadhuudhka, ee lagu eegi jirey sidda uu yahay. waana munaafaqa ugu weyn, dire-diraalaha ah loo adeeg-sado isku dirka H.Jeclo iyo H. Yoonis. Waa wax aan wax isku falayn oo isagu dhuunta oo loo qooyo mooyee aan wax kale ku shaqayn,. Cumaadda cid waliba wakhtigan way iska qaadataa, laakiin mid u qalma maaha. Nin baa laga hayaa" Ku qariyey-qriyey ee gun cade" Wixii la dededi jirey, ee beenta laga sheegi jirey hadh iyo habeen, waa raa hor tiina timi, ee yaa doonaayey ama rabay Somaliya Ma wadani buu ahaa? mise " raggii ma adiga aka hadha iyo xulafa-diisa? Waxan kus oo xidhay qoraalkan, waxay tallo u taallaa raggii dalkan Xoreeyey ee kala ahaa " Axmed Mire iyo Ibrahim Dhega-weyne" iyo shicibka Reer Saaxil, Tog-dheer, Sanaag iyo kiilka shanaad qaybaha ka degan. waxana ay leeyahay, maanta bay idiin baahan tahay Somaliland in aad ka dhicisaan Askartan tuugta ah.
* N.B Somaliland Gacan-Taydda Ku Burburi Mayso".
Qore:- Abdi-Shotaly.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!