Donald Trump Oo U Hanjabay Dalalka Xiriirka La Leh Huawei

0
Monday February 17, 2020 - 14:13:31 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 1236
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Donald Trump Oo U Hanjabay Dalalka Xiriirka La Leh Huawei

    Safiir Richard Grenell ayaa yiri "Trump wuxuu igu amray inaan caddeeyo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Safiir Richard Grenell ayaa yiri "Trump wuxuu igu amray inaan caddeeyo

Safiirka Mareykanka ee Germany ayaa Axaddii sheegay in madaxweyne Donald Trump uu ku hanjabay inuu joojin doono sirdoonka uu la wadaago dalalka la macaamila shirkadda Shiineeska ee Huawei.

 

Washington ayaa dalalka xulufada ah la ah ku cadaadineysa inay mamnuucaan adeegsiga barnaamijka 5G ee Huawei, oo ah mid ka mid ah shirkadaha teknoolajiyadda ee ugu weyn caalamka, sababo la xiriira halis amni.

Safiir Richard Grenell ayaa yiri "Trump wuxuu igu amray inaan caddeeyo in dalkii doortaa inuu isticmaalo adeegga aan la aamini karin ee 5G ee Huawei, uu halis gelinayo awoodda aan kula wadaagi karno akhbaaraadka sirdoon ee heerka sare.”

 

Grenell ayaa barta twitter-ka ku sheegay in Trump uu Axaddii kasoo wacay diyaaradda Air Force One ee madaxweynaha, si usoo gaarsiiyo farriintan.

 

Dalal badan oo Europe ah islamarkaana xulufo la ah Mareykanka, sida Britain iyo France, ayaa sheegay inaysan ka mamnuuci dooni Huawei inay u dhisto shabakadaha 5G balse ay kusoo rogi doonaan xannibaado.


Loading...
Loading...