Taliye Muuse oo Farmaajo u diray Guddi beeshiisa ka socotay, iyo Jawaabtii Farmaajo

0
Monday February 17, 2020 - 11:11:54 in News by Abdikadir Guled
  • Visits: 5504
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliye Muuse oo Farmaajo u diray Guddi beeshiisa ka socotay, iyo Jawaabtii Farmaajo

    Taliye Muuse oo fadeexad kala kulmay Guddi beeshiisa ah oo uu Farmaajo u diray

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliye Muuse oo fadeexad kala kulmay Guddi beeshiisa ah oo uu Farmaajo u diray

Muqdisho (HWN)- Warar aanu ka helay dad xogogaal ah ayaa Hadhwanaag news u xaqiijiyay in dhawaan Taliye Muuse Bixii uu Muqdisho u diray xubno beeshiisa ka tirsan si ay ula kulmaan Madaxweyne Maxamed Cabdulahi Frmaaj.

Guddidan beesha hoose ee Taliye Muuse ka socotay ayaa waxa ay Madaxweynaha Soomaaliya ka daladeen in ay u kulmaan nidaam beeleysan.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa soo jeedintaa ku gacan seyray, isla markaana xusuusiyay in uu yahay madaxweyne Soomaaliyeed ee aanu aheyn sida hogaamiyaha beeleed ee soo wakiishay.

Arintan ayaa weji gabax ku noqotay, siyaasiyiina beelaha kala duwan ee ka soo jeeda Somaliland ee Muqdishu haatan ku sugan.

Sidoo kale, ila wareedyadu waxa ay intaa raaciyeen in Taliye Muuse Biixi in dhaweydba ku hawlanaa sidii uu Madaxweyne Farmaajo ugu qancin lahaa wadahadal beeleysan oo labada beelood ku kooban.

Ila wareedyadu waxa ay ka gaabsadeen in ay noo sheegaan magacyada guddida beesha Taliye Muuse Biixi ee Muqdisho u tegay si ay ula kulmaan beesha Madaxweynaha Soomaaliya.

Kolkii arinkaasi fashilmay ayaa Talye Muuse waxa uu hawlgeliyay wasiir Fartoon oo abti u ah Farmaajo si kulan uu ula yeesho madaxweynaha Soomaaliya.

Wasiir Faratoon ayaa ilo wareedyadu noo sheegeen in uu gacan mug leh ka geystay sidii Taliye Muuse iyo Madaxweyne Farmaajo isu hor fariisigoodii Addia Ababa.

Waxa iminka laga warsugaaba safarka Hargesa ee Abiy Axmed iyo Maxamed Farmaajo oo la filayo in Hargeysa gaaraan dabayaaqada todobaadkan.

 

Hadhwanaag News

Moqdisho, Soomaaliya


Loading...
Loading...