Wariye Lagu Dily Xalay Gobolka Shabeelada Hoose.
Rag bastoolado ku hubeysnaa ayaa qaybaha kore ee jirkiisa ka toogtay Wariyaha, taasoo keentay inuu u geeriyoodo rasaastii ay huwiyeen, sida ay qortay universalTv.
Raggii dilka gaystay ayaa waxaa u suurtagashay inay ka baxsadaan gacanta sharciga, sida ay inoo xaqiijiyeen laamaha amniga, balse uu socdo hawlgal lagu baadi-goobayo.
Wariye Cabdiweli Online ayaa Gobolka Shabellaha Hoose uga soo warami jiray Telefishinka Universal, iyadoo aan la garanayn ujeedada ka dambeysa dilkiisa.
Dilka Wariyaha ayaa qayb ka ah dhibaatooyinka joogtada ahi ee dalka loogu gaysto Wariye-yaasha Soomaaliyeed.
Maamulka iyo Shaqaalaha Universaltv ayaa geerida naxdinta leh ee Wariyaha ku timid kaga tacsiyadeynaya qoyskii, eheladii iyo asxaabtii uu ka baxay.