Xukuumadda Muse Waxay Goaan Ku Gaadhay Abi Ahmed Waa Soo Dhoweynaynaa farmaajo Oo La Socdana Soo Dhoweynmayno.
Hadalka Suleiman Gaal u Fiirsada wuxuu sheegayaa
hadana wuu
shareerayaa waxaa soo socda iyo arintu siday u dhici doonto. Madaxdii
Xukuumadda Muse iyo daba socdayaashii way isku daateen hadalkii qofba
dhinac buu riday. Qaar waxay leeyihiin Hogaamiye Muse Biixi waa la
qasbay qaarna waxay leeyihiin Warqad bay Xukuumaddu Qortay diidmo ah.
Boone Duaale isagu wuu isku darmay oo hadalkiisii wuxuu kusoo
gebegebeeyey Ethiopia iyo SOMALILAND waxaa ka dhexeeya Wajaale (waa
tuuladii dhooqada weyneyd ee uu kasoo jeeday).
Hadal iyo guntiisii arinkan Xukuumadda Muse Biixi wey ogayd afartii
bilood ee u dambeeyey ee ay calaamaduu muuqdeen HESHIISKII CAARE,
DABAGALE BOOLIISKA LOO DHIIBO, INA SULUB HUDHUUB CAANA GEELA AH LOO
DHIIBO, YAA ISAAQAY LASOO DHAQDHAQAAJIYO IYO WAXYAALO BADAN. ISBEDELKII
ETHIOPIA EE ABI AXMED BAA SOO SOCDAY WAX IS HORTAAGI KARAYAA MA JIRAA
SOMALILAND WAA KU QASAB INAY ISBEDELKAABI Axmed aanay is hortaagin
lagama baryimaayo. Puntland cabbaadka ka baxaya waa maqlaysaan iyadoo
aan weli la gaadhin. JUBBALAND XOOG BAA LAGAGA SAARaYAA MEESHA.
ISBEDELkA ABI AHMED PETROL KA SOMALIDA LOO SOO SAARAYO XAGGA BADDA,
REER GALBEEDKU WAY wadaan isbedelka Abi Ahmed maxaa yeelay geeska
Africa carab baa laga fogaynayaa oo Ethiopia ayaa la hoosgeynayaa.
Ok soo dhaaf halkaa laba shay baa SOMALILAND horyaalla oo Hadduu
Xukuumadda Muse ka dhabtay warqaddaa at leedahay Ethiopia ayaanu u
qornay oo ay ka dhacayso is hortaagga isbedelka Geeska Africa ee Abi
Axmed u hogaansamimayno oo waan carqaladaynaynaa maxaa SOMALILAND ku
dhicidoona. Ama wejiga kale hadday Waraaqdu aanay ahayn mid ka dhab
sheegaysa waxa todobaadkan dhicidoona Abi Axmed Oo XAMBAARSAN FARMAAJO
UU GAROONKA HARGEYSA KASOO DEGO DABCAN LANA QAABILO SIDUU SULEIMAN
GAALBA SII TIBAAXIYEY IYANA MAXAA SOMALILAND SHACABKEEDII IYO
HIMILADEEDII KU DHICI DOONA. LABADA DHINACBA KhASAARAHA SIYAASADDA
KULMIYE KEENTAY WUU WEYNYEY AWELNA BOOBKA DANTA GUUD UUNBAA XISBIGA
KULMIYE KA DHEXEEYEY EE DAACAD IYO WADAN HOGAAMINI MAY JIRIN . HADDAY
KULMIYE SOMALILAND DANTEEDA WADAAN LABA SHAY OOY DIIDEEN BAY AQBALI
LAHAAYEEN WAA 8 QODOB EE GACANLIBAAX IYO HESHIISKII AY BEENIYEEN EE AY
KHAATUMO LASOO GALEEN LAAKIIN MAANTA DHAMMAADKII HEEGO UUN BAA YIMI
WADANKA SOMALILAND HADDUU SHIR QARAN SAMAYSTO WUU SII JIRI DOONAA HADDII
KALE DHIBAATO AYAA KUSOO FOOLLE.
M BASHE
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!
Loading...
Loading...