'' Farmaajo Siduu Ku Iman Karaa Hargaysa ''. W/Q: Ahmed Nour Guruje

0
Sunday February 16, 2020 - 14:17:46 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1736
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    '' Farmaajo Siduu Ku Iman Karaa Hargaysa ''. W/Q: Ahmed Nour Guruje

    Sanadkii 1948 waxa laggu dhawaaqay wadanka Isreal ,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sanadkii 1948 waxa laggu dhawaaqay wadanka Isreal ,
waxaana diiday oo is hortaagay wadamada Carbeed iyo guud ahaan wadamada Islaamka , khilaaf meeshaas ka dhashayna wuxuu sababay sadex dagaal oo waawayn oo ka dhacay geyigaas .

Hadaba dagaalkii ugu danbeeyey ee dhex maray Masar iyo Israel 1973 ka dib , Madaxwaynihii Masar ee Anwar asadat wuxuu booqasho ku tagay Isreal 19 November 1977 , waxaanu ku dhawaaqay in uu aqoonsaday Isreal dawladnimadeeda , waxaanu noqday Madaxwaynihii koobaad ee islaam iyo caraba ee aqoonsaday Isreal .



Sidaas oo kale , Farmaajo wuxuun buu Hargaysa iman karaa isagoo aqoonsadda Somaliland , kuna dhawaaqa qiritaanka dawladnimadeeda , markaasna wuxuu xaq u leeyahay in lasoo dhaweeyo oo uu qudbad ka jeediyo labadda gole Baarlamaan .


Hasa yeeshee Booqasho Farmaajo ku yimaado Hargaysa isagoo aaminsan in uu yahay Madaxwayne ina xukumaa waxay qudh-gooyo ku tahay Somaliland , dhaawaca ay ina gaadhsiisaana ma noqon doono mid dib looga soo kaban karro


W/Q: Ahmed Nour Guruje

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...