Xisbiga Waddani Oo Tacsi Udiray Ehelkii Ay Ka Baxday Intisaar Jaamac Cabdi
Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo ku hadlaya magaciisa, ka hoggaanka, fulinta, garabbada dhallinyarada iyo haweenka waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa
ehelka, asxaabta iyo xisbiga WADDANI oo ay ka baxday Marxuumad Intisaar Jaamac Cabdi (Xoogsade) oo ku geeriyootay dalka Turkiga kana mid ahayd xubnaha Golaha Dhexe ee xisbiga ee gobolka Sanaag.
llaahay su'aasha ha u fududeeyo, dambigeedana ha dhaafo, Jannatul Firdowasana ha ugu deeqo. Dhammaan qoyskii, ehelkii, asxaabtii, iyo xisbiga WADDANI ee ay ka baxdayna samir iyo iimaan saadiq ah ha ka siiyo.
Inaa lillaahi wa inaa ilayhi raajicuun.
Waaxda War-Faafinta Ee Xisbiga
WADDANI
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!