Inamadi Tidcade Duul Allaw, Tima Dabniin-kiiye ( Abdi-shotaly) .

0
Sunday February 16, 2020 - 09:16:39 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1008
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Inamadi Tidcade Duul Allaw, Tima Dabniin-kiiye ( Abdi-shotaly) .

    Saaka waxan halkan idiiinku soo gudbinayaa Maanso gaaban,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Saaka waxan halkan idiiinku soo gudbinayaa Maanso gaaban,
oo inoo tilmaamaysa sidda dhalintii qurbuhu ay uga tageen dhaqankii, weliba gaaaloo kala xune ay u raaceen tii bidoodka madaw, iyo qaabka ay u eeg-yiihiin, waa maanso ku tusaysa halkuu xaal maraayo,taas oo ubad-keenii aynaan gacan ku hayn, waxa kaloo ay kuu sheegaysaa in aan waalid.xigto,dhaqan,diin inraaba ay ka sal guureen, oo ay noqdeen dacawaddii talaaba-deediina ka tagtay tii ay rabtayna gaadhi wayday, iyosawrika ay leeyihiin caruurteenu marka ay gaadhaa ( sin- dheer ( Waa wakhtiga ay gaadhaan 13 jir-ilaa 30 jirka'e), yaan kugu dheerayne, ku soo dhawaw, waatane.


Ta'da gabay-ba maandhaw ma odhan, Toosi maalma-hane,

Anigoo ka tegay bay dar kale, igu tilmaa-meene,

Cadilaahi-yoow taadu , waatu' an dhamaa-nayne,

Ku talaabsay abwaankii farxaan,ereyaddii taabudka ahaaye,

Ina olola waa-kii tumaatida ku riday, taag yar-teeniiye (Sin-dheertii),

Ina muuse tartar buu ka maray, taynu haynay-ba'e,

Ina-yalas tafsiir-tuu u dhigay, waa tusaal wacane,

Hadaan talada lays-ku soo cel-celin, taab ma riix-deene,

Bal an tabto maan-tana, halkay tebayso laab-taydu,

Niman-yahaw tabaalada qurbuhu, tawsa-heed badane,

Way wada tasoobeen dhalini, oo gaalo tiig-sada'e,

Yaw-yaw maaxad tidhi, ayey wada tiraa-baane,

Tuhun beena baa galay, in ay tahan ku dheer-yiine,

Inamaddii tidcade duul alloow, tima dabniin-kiiye,

Habli-hiina taaloo bayba goos-teeen, oo tiirshe madaxiiye,

Sibra-hoo la tuuriyo lugaha, turuntu-roonaaya,

Tagoog-yaha dhamaa-diyo gamcaha, wada tafee-noobay,

Waa kuwaa af-kooddii ka tegay, oo aan ta' gara-nayne,

Tabadh-tabadh wixii aan ahayn, kuma tusmays-saane,

Lagu tumay hiddii aan lahayn, oo tuure waa hora'e,

Haday-naan ka tegin meeshan, tacab go' weeyaane,

Ma tashiisho ruuxii xumaan, loo tix-geli-yaaye,

Inta goori-goor tahay, tashada dhaafnay hilin-kiiye.

Cabdilaahi-yoow tusmadu,Waa tusaal wacane,

Ku-wad tiinka tidhi baan,Rabaa inan tibaa-xaaye,

Tola-haan ku dhaar-tahye,Wuxu-ba way tukuba-yaane,

Tafa-hay surwaalada hayaan,Tookh-na moodeene,

Dhabar-kooda tuuraa ku yaal,Taag-na waa madhane,

Tunkii wuu engegay oo,Indhuhu tiigsi weeyaane,

Tilmaan-tooda goor-taan arkiyo,Tacab khasaar-kooda,

Oo ay la wada tiica-yaan,Tamar la'aan-tooda,

Tala-na aan kaa qaada-nayn,Kaana tegi haynin,

Taf-siir dar aan raadi-nayn,iyo tacliin-toona,

Turuq-yadu dhamaadeen,Oo tahar la moodaayo,

Oo aan naf-tooda u tudhayn,Toobad xuma-dooda,

Oo waalid-kii dhalay tirsane,Misa-na tawsi wada hayso,

Talaw sidee baa la odhan,Tanina waa yaabe.

* N.B Waa Wada Tasoobeen Dhalini, Oo Gaalo Tiig-sada'e.

Qore:- Abdi-Shotaly

[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...