Wasiir Ka Tirsan Xukuumada Oo Ka Hadlay Arinta Ganacsade Axmed Cismaan Geelle

0
Monday April 01, 2019 - 15:45:27 in News by
  • Visits: 9101
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiir Ka Tirsan Xukuumada Oo Ka Hadlay Arinta Ganacsade Axmed Cismaan Geelle

    Wasiir Ka Tirsan Xukuumada Oo Ka Hadlay Arinta Ganacsade Axmed Cismaan Geelle

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiir Ka Tirsan Xukuumada Oo Ka Hadlay Arinta Ganacsade Axmed Cismaan Geelle


Hargeysa(HWN):- Wasiirka wasaaradda gaashaandhigga JSL Mudane Cabdiqani Maxamuud Caateeye hore-na u ahaa wasiirkada cadaalada ayaa ka hadlay warqad si weyn loogu faafiyay baraha bulshada, islamarkaana ku tilmaamay mid been abuur ah.



Warqadda ayaa xambaarsan in wasiirku bixiyey amar ah in la soo qabto ganacsade Axmed Cismaan Geelle oo dawladda Jabuuti dacwaynayso waxaana ku yaalla saxeexa wasiir Cabdiqani Caateeye intii uu ahaa wasiirka caddaaladda laakiin, wuxuu tilmaamay in dadka been abuuray warqaddaasi yihiin cadawga Somaliland.

Qoraal uu boggiisa Twitter-ka ku faafiyay wasiirku ayaa u dhigna:

"Waxaan bulshada reer Somaliland u cadaynayaa in aay been abuur tahay warqada ku dhax wareegaysa baraha bulshada ee sheegaysa wareejinta Axmed Cismaan Geele, Cidii warqadan beenta abuurtayna waxay cadow ku yihiin jiritaanka JSL.”

Dhinaca kale war ka soo baxay wasaarada cadaalada somaliland ayaa lagaga hadlay warqadaas la sheegay in wasiirkii laga badalay wasaaradu uu qoray, waxaana warka wasaaradu u dhignaa sidan:-

Wasiirkii hore Wasaaradda Caddaaladda JSL ahna Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Gashaandhiga JSL Md. Cabdiqani Maxamud Cateeye wuxuu bulshada reer Somaliland u cadaynayaa in ay been abuur cad tahay warqada ku dhex wareegeysa baraha bulshada ee sheegeysa wareejinta Muwaadin Axmed Cismaan Geelle Warqadaasuna haba yaraatee aanayna kasoo bixin xafiiska Wasiirka cidda warqadan qortayna ay tahay dad neceb jiritaan Qaranimada Jamhuuriyadda Somaliland

Masuuliyiinta kale Wasaaradduna ma jirto cid ay aflagaado u geysteen muwadininta,ganacastada iyo salaadiinta JSL waxay naga mudan yihiin sharaf iyo qadarin buuxda.

ALLAA MAHAD LEH

Xafiiska Warbaahinta Wasaaradda Cadaaladda JSL.



Warqada Wasiir Caateeye Beeniyey




Loading...
Loading...