'' Aragtidayda sharci ( My legal opinion ) '' .

0
Monday April 01, 2019 - 15:05:51 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1639
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    '' Aragtidayda sharci ( My legal opinion ) '' .

    Arrinta saxaafadda ku jirta ee ku saabsan Ganacsadde Ahmed Osman Geelle haddii aynu ka eegno dhinaca Sharcigga oo keliya , waxaynu kusoo koobi karaa 3 qodob.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Arrinta saxaafadda ku jirta ee ku saabsan Ganacsadde Ahmed Osman Geelle haddii aynu ka eegno dhinaca Sharcigga oo keliya , waxaynu kusoo koobi karaa 3 qodob.

1- Qadiyaddu marka ugu horaysa maxay tahay ?

Qadiyaddu waa qadiyad ku saabsan muran ganacsi iyo dhaqaale , sidaa darteed qadiyadaasi gebi ahaanba ma aha mid ay ka dhalan karto dacwad ciqaaba oo kalifi karta in Ahmed iyo qayrkii toona la xidho amaba dal shisheeye loo dhiibo . maxaa yeeley waa qadiyad ganacsi
( Commercial dispute ) waxaana saxa in nidaamka iyo xeerarka ganacsiga loo maro .

2- Dacwada Ganacsi sidee bay ku iman kartaa

Dacwad ganacsi oo qadiyada ku saabsani labba waddo ayuun bay ku iman kartaa oo kala ah ;-

A- In Dacwad caadiya oo madaniya cidii ganacsadaha wax u sheeganaysaa ka furato Maxkmadaha Wadanka , ganacsaduhuna iska difaaco , isaguna sheegto wixii ka maqan .

B- In Djabouti la timaado xukun Maxkamadeed oo ay dalbato in loo fuliyo ,

qodobkan labaad na suaal aasaasiya ayaa ka dhalan karta , oo ah Xukuno ka dhan ah ganacsadaha oo kasoo baxay waddan shisheeye ma la aqoonsan karaa .

3- Suaashaas jawaabteeddu waxaa si faahfaahsan uga hadlaya qodobka 313 Xhm , kaasoo ku xidhiya aqoonsigga xukunadda shisheeye 6 shuruudood , sidaa darteed iyadoo la raacayo qodobkaas jawaabtu waxay noqon kartaa :-

'' Qodobka 313 (2) waxay sheegaysaa in dhinacyaddu uga qayb galeen dacwada la aqoosnayo si sax ah .

sidoo kale qodobka 313 (6) Xhm waxay sheegays iaa n xukunkaasi aanu kasoo horjeedin nidaamka caamka ah ee Waddanka .

Sidaa darteed iyadoo lagga duulayo qodobka


313 (2.6)XHM iyo qodobka 78 xhm oo ka hadlaya Qaynuunka guud iyo Cadaaladda Guud . Iyo Mabaadida guud ee Danta Qaranka ( Public Interest ) .

Xukuno ka dhacay Maxkamadd shisheeye oo ka dhan ah Ganacsadahan iyo shirkadda lama aqoonsan karro , lamana fulin karro sharci ahaan .

Sidaa darteed , wuxuun bay qadiyadani kusoo uruuraysaa sharci ahaan in Maxkamadaha Waddanka qadiyadan ka garnaqaan haddii cidi u dacwooto
W/Q: Axmed Nuur Guruuje
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...