Faalo:- Sifihii Wanaagsana Ee Marxuum Cigaal Iyo Ku Dayasho La'aanta Kornayl Muusaha Maanta

0
Saturday February 15, 2020 - 17:14:59 in News by
  • Visits: 1933
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Faalo:- Sifihii Wanaagsana Ee Marxuum Cigaal Iyo Ku Dayasho La'aanta Kornayl Muusaha Maanta

    Sifihii Wanaagsana Ee Marxuum Cigaal Iyo Ku Dayasho La'aanta Kornayl Muusaha Maanta

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sifihii Wanaagsana Ee Marxuum Cigaal Iyo Ku Dayasho La'aanta Kornayl Muusaha Maanta


Hargeysa(HWN):- Sanadihii 1994-96 waatii wadanku ku jirey dagaalo sokeeye oo aan joogsi lahayn , dagaaladaasna diiftoodii iyo darxumadoodii waatii lagga soo doogay sanadkii 1997 .

Hadaba maalmihii uu dhamaaday dagaalkii sokeeye 1997 ayaa C/raxmaan Axmed cali ( Tuur) oo markaa ahaa madaxwayne xigeenka dawladii salbalaadhi kasoo degey magaaladda Burco .

Magaalada Burco waxaa isna markaa joogay Madaxwayne xigeenkii Somaliland Daahir riyaale kaahin , Riyaale iyo Tuur iyagoo ah labadaa madaxwayne ku xigeen waxay wada degenaayeen Burco , gaar ahaan shacabka Burco .



Madaxwayne cigaal , Distoor baa la jebiyey muu odhan , xeer baa la jebiyay muu odhan , wadan baa laggu soo duulay ma odhan , wuxuu baadi dooney xal siyaasadeed , waxaanu saaray labba guddi oo kala ah , Guddi ah golaha guurtidda ee somaliland oo ay ku jiraan ragii raga ahaa , Sheekh ibraahin , Sheekekh goodaad , Xaaji Cabdi iyo Suld craxmaan Iyo guddi ka tirsan Beesha C/raxmaan tuur .

Ugu danbayn C/raxmaan iyo waftigii la socday waxay yimaadeen Hargaysa , waxana la dejiyay Hoteelkii dawladda ee Hargaysa Club , halkaas oo ay dhawr cisho degenaayeen .

Maalmo ka dib Cigaal iyo C/raxmaan way kulmeen , kulano gaara iyo kuwo lala joogay na way qaateen , ka dibna C/raxmaan ayaar waatuu iska dhoofay .

Dhawr cisho ka dib , Cigaal wuxuu la hadlay Labadda gole Baarlamaan ( Guurtidda iyo Wakiiladda ) waxaanu ka jeediyay qudbad dheer , hadalkiisana waxaa ka mid ahaa '' Qoladii habaryoonis balantii way kasoo baxday , Nabadiina seeskeedu wuu xidhmay '' arintaas oo loofahmay in labada marxuum ku kala tageen balan ah in nabadda la wada ilaaliyo.

Shirkii Carta iyo badbaadadii C/raxmaan tuur somalilan babaadiyey mar kale ayaynu ka sheekayn doonaaye , Cigaal sidaasuu wax u maarayn jirey .

Kornayl Muuse Maanta wxuu Ku liitaa maaraynta xalka khilafadka siyaasada, reeraha, dhulka, iyo kala saarida muranka asxaabta.

Waxaana nasiib daro ah in uu maanta lagu wareejiyey dad mideysan siyaasad ahaan iyo qabiil ahaan hadana Ku guul daraystay inuu iskugu hayo waana awood darnaanta taliye muuse iyo cunfiga qabiilaysan ee Ku jira.


Hadhwanaagnews

Hargeysa/office

Loading...
Loading...