Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in la furi doono Wadooyinka Gudaha Muqdisho

0
Saturday February 15, 2020 - 13:30:12 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 1107
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in la furi doono Wadooyinka Gudaha Muqdisho

    Islow ayaa sheegay in ay diyaariyeen qorshihii lagu qaadi lahaa dhagaxaanta

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Islow ayaa sheegay in ay diyaariyeen qorshihii lagu qaadi lahaa dhagaxaanta

Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay qorsheynayso in ay furto Wadooyinka ku yaalla Gudaha Caasimadda ee xiran.

 

Wasiir Islow ayaa sheegay in Shacabka caasimadda dhibaatooyin Culus ay ku qabaan xirnaanshaha wadooyinka ku yaalla Gudaha Caasimadd.

 

Waxaa uu sheegay in dhawaan la qaadi doono dhagaxaanta yaalla isgoysyadda Gudaha Muqdisho, islamarkaana la geyn doono Kontrooladda laga soo galo Muqdisho.

 

Islow ayaa sheegay in ay diyaariyeen qorshihii lagu qaadi lahaa dhagaxaanta, islamarkaana dadka reer Muqdisho laga doonaayo in ay muujiyaan dulqaad si loo dhameystiro qorshaha socda.

 

Dadweynaha kunool Muqdisho ayaa wajahay xaalad adag oo noloshaha ka dib markii dowladda Soomaaliya sanadyadii lasoo dhaafay ay xirtay inta badan wadooyinka ugu muhiimsan Caasimadda.


Loading...
Loading...