DEG DEG: QAREENNADA GAROOWE OO SHAQA-JOOJIN SAMEEYAY

0
Saturday February 15, 2020 - 12:58:46 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 1738
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DEG DEG: QAREENNADA GAROOWE OO SHAQA-JOOJIN SAMEEYAY

    Maxkamada Derejeda koowaad ee gobolka Nugaal oo saaka la horkeenay 18 eedaysane

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxkamada Derejeda koowaad ee gobolka Nugaal oo saaka la horkeenay 18 eedaysane

Qareenada ka hawlgala magaalada Garoowe ayaa shaqo joojin sameeyey iyadoo saaka Maxkamada Derejada Koowaad ay xukuntay eedaysanayaal aan haysan sharci yaqaano difaaca.

Qareenadda oo qaar kood suxufiyiinta la hadlay ayaa xaqiijiyay in wasaarada Maaliyadu kusoo rogtey cashuur dheeraad ah.

Maxkamada Derejeda koowaad ee gobolka Nugaal oo saaka la horkeenay 18 eedaysane oo ku eedaysan kiisas kala duwan ayaysan kasoo muuqan garyaqaano difaacaya eedaysanayaashaasi.

Eedaysanayaasha waxaa kujirey qaar muuqaal ahaan u muuqda caruur walow aan da’dooda laga hor sheegin maxkamada, kuwaasoo aan awoodin inay afkooda sharciga iskaga hor difaacaan.

laba kamid ah oo qirtay inay galeen falka lagu eedeeyey oo ahaa Mobile furasho iyo dhaawac geysasho ayaa maxkamadu ku xukuntay 2 sano oo xarig ah iyo ganaax $1000 (Kun dollar ) ah.

Maxkamada-Garoowe.jpg


Loading...
Loading...