Dabkii qabsaday dooxada Laascaanood oo sii fidaya iyo faahfaahino ka soo baxaya
Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo duleedka magaalada Laascaanood ayaa sheegaya in uu weli socdo gurmadka lagu deminayo dab xoog leh oo gelinkii dambe ee shalay ka kacay dooxada Ooda-gooye oo ku taalla duleedka bari, Laascaanood ee gobolka Sool.
Dabka oo si xawli ah ku socda ayaa gelinkii dambe ee shalay ku fiday jihooyin kala duwan oo ka mid ah dooxada weyn ee Ooda-gooye, oo kaabiga ku haysa magaalada magaalada xunta u ah gobolka Sool ee Laascaanood.
Tan iyo maalinkii shalay oo uu bilaawday dabkaan waxaa demintiisa la tacaalaya dadka ku nool magaalada Laascaanood iyo deegaanada hoos taga, kuwaas oo gurmadyo is daba joog ah ku gaaraya dooxada gubanaysa.
Sidoo kale dad aan la hadalnay waxa ay noo sheegeen in dowladda hoose ee degmada ay kaalin mugleh ka qaadaneyso, dadaallada laagu jiro deminta dabka holcaya.
Dabku waxa uu ku sii fidayaa qeybo badan oo ka tirsan dooxadan oo ku wanaagsan daaqsinka xoolaha, waxaana babaneysa dabeyl, taas oo kalifeysa in dabku sii fido dadka deegaankuna demin waayaan.
Illaa hada lama soo werin wax yeello dabka ka holcaya dooxadaas ka soo gaartay dad ama duunyo toona.
Bulshada ku dhaqan Laascaanood waxay dalbanayaan in laga gacansiiyo deminta dabkaas, oo khatar ugu jira in uu soo gaaro gudaha magaalada oo haatan dhankeeda uu u soo fidayo.