Jawiga Saaka Ee Dhuusamareeb Oo Labadii Maalmood Ee Ugu Dambeeyay Kacsanayd

0
Saturday February 15, 2020 - 08:18:57 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1598
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jawiga Saaka Ee Dhuusamareeb Oo Labadii Maalmood Ee Ugu Dambeeyay Kacsanayd

    Ka dib laba maalmood oo xaalad kacsanaan ah ay ka jirtay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ka dib laba maalmood oo xaalad kacsanaan ah ay ka jirtay Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa la soo sheegaya inay saaka xaaladda magaaladu tahay mid degan.


Saraakiisha Ciidamada Dowladda ayaa habeen hore ciidan xoogan ku soo daadiyay wadooyinka iyo xaafadaha kala duwan ee Magaalada Dhuusamareeb, sida ay baahisay universaltv



Ciidamada Dowladda ayaana guri guri isugu dhiririyay xaafadaha Magaalada Dhuusamareeb, iyagoona hakad guud geliyay dhaqdhaqaaqii magaaaladaasi ka jiray.


Tani ayaa waxay ka dambeysay, ka dib markii gaadiid ay la socdeen dadweyne ka soo safray Magaalada Guriceel, kuna sii jeeday Dhuusamareeb ay Ciidamada Dowladda ku amrayn inay gaadiidka ka daataan, sababo ku aadan iyagoo aan gaadiidka ku taggi karin magaaladaasi.


Dadkan oo isugu jiray dhalin iyo odayaalba ayaa lug ku tagey Magaalada Dhuusamareeb, inkastoo duleedka magaaladaasi ay kaga hortaggeen masuuliyiin ka tirsan Ahlu Sunada Galmudug.


Dadweynaha ku dhaqan Magaalada Dhuusamareeb ayaa caro ka muujiyay habdhaqanka ciidamada iyo xayiraadihii ugu dambeeyay, ee ay magaaladaasi ku soo kordhiyeen.


Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan, Madaxweynaha Galmudug ee garabka Ahlu Sunna oo arrintan ka hadlay ayaa ka digay in la caburiyo dadweynaha reer Galmudug.


Si kastaba ha-ahaatee Ciidamada Dowladda ayaa waxaa saaka lagu arkayaa barro amniga lagu xaqiijiyo, oo ay ka samaysteen wadooyinka Magaalada Dhuusamareeb.

Loading...
Loading...