Siddii Adissababi Laba-Jeer Ugu Tanaasushey Asmarra Maxey Mar Kaliya Muqdisho Ugu Tanaasuli Weyday Hargeysa

0
Friday February 14, 2020 - 19:05:46 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 895
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Siddii Adissababi Laba-Jeer Ugu Tanaasushey Asmarra Maxey Mar Kaliya Muqdisho Ugu Tanaasuli Weyday Hargeysa

    Oo Gobanimada Noocaas Ah Udiidey

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Oo Gobanimada Noocaas Ah Udiidey

Waxeynu wada ogayn in Sanaddii 1991kii markii dagaalayahanadii TPLF Qabsadeen Dalka Itoobiya islamarkaana, ay sameeyeen isbaheysigii EPRDF ee ilaa iyo hadda Xukuma Dalweynaha Itoobiya Waxa Xukunkii Caasimadda Adissababa, Go,aan ku qaatey in uu u Tanaasulo Asmarra oo ujeedkeedu yahey Waxa uu u ogolaadey Madaxbanaani ay dib ugu qaateen Xornimadoodii hore iyo dalkii ay hore u ahaan jirreen,talaabadaas oo Males iyo kooxdiisu go,aan ku gaadheen.



Gobanimo waa u dhalashee, Mar labaad ayuu haddana ninkan Raysal-wasaaraha Itoobiya ee Aby Ahmed wuxuu ooda ka qaadey, Dhulkii ay ku muransanaayeen ee dagaalka adagi ku dhex marey labadda dal dhiiga badanina ku daatey arintaas oo uu Nopel-prise ku helay aby maxaa Soomaalida Koonfureed ee farmaajo hadda horjoogaha u yahey u diidey talaabo noocaas ah oo aGobanimo leh mise Soomaalida koonfureed ee Muqdisho kama yaqaanaan Tubtaa Toosane ee waxey iyagu ka yaqaanaan tan xasadka iyo ku dheganaanta ah.


Waxeynu ognahey in Dalweynaha Suudaan u tanaasuley Koonfurta Suudaan, xornimadiisiina u ogolaadey isagoo Maamulka Suudaan wali ku hoos kujira oo katirsan Maamulka Suudaan taasina waxey aheyd talaabo Gobanimo oo aaney marna haweysan Muqdisho in ay u tanaasusho Hargeysa noqona mayso in Cirku kusoo Dumayo ee waa Ficil rag oo ay ku dhaqaaqeen Cadaaladna ku muujiyeen kuwii aan Islaamka aheyn iyo kuwii kaleba.


Haddaba farmaajo cidina ka dhagaysan mayso raaligalin iyo Garawshiiyo uu ka bixiyo Nidaamkii Dawlladii Milatari ee adeerkii Maxamed Siyaad Barre inkastoo aan ka maqlayay hadal isku lid ah oo lamid ah hadalkaas uu raali galinta ku sheegayo,Waxaanse kusoo gabagabaynayaa Qormadaydan waar Adissababi labajeer ayey u tanaasushey Asmara,e maxey hal mar ugu Tanaasuli Weyday Muqdisho Hargeysa wey isbadeli laheyd iyadunee.


Najiib Ismaaciil Maxamed

Somaliland Gabiley

Tell:-0634466339

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...