Maalinta Jacaylka adduunka: Akhriso Todoba Qodob Oo Aad Xidhiidh Kaga Samaysan Karto Baraha Bulshada.

0
Friday February 14, 2020 - 11:21:28 in News by
  • Visits: 1168
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maalinta Jacaylka adduunka: Akhriso Todoba Qodob Oo Aad Xidhiidh Kaga Samaysan Karto Baraha Bulshada.

    Maalinta Jacaylka adduunka: Akhriso Todoba Qodob Oo Aad Xidhiidh Kaga Samaysan Karto Baraha Bulshada.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maalinta Jacaylka adduunka: Akhriso Todoba Qodob Oo Aad Xidhiidh Kaga Samaysan Karto Baraha Bulshada.


Xidhiidhada tooska ah ee online-ku ee dhanka internetka ayaa caan ka ah adduunka oo dhan iyadoo da 'kastaa samayso - laakiin waa sidee heerka ka guul gaadhiddiisu? Miyaad tahay keligaa oo raadinaysaa maalinta jacaylka qof aad is jeclaataan? Dhugo qoraalkan waxaa kor u kacaya fursadahaaga aad jacaylkaagii kaga heli karto dhanka baraha bulshada.

Wadne dulsaaran Keyboard


Waxaa lagu qiyaasaa 240 Milyan dadka dunida ku nool ee baraha bulshada ka dhex gooba qof ay nolosha kula midoobaan, sida lagasoo xigtay Statista, ma se ogtahay in kuwo badani aysan waxba hubsan?


Sidaa darteed, halkan waxaannu kuugu soo qornay, hababka loo haasaawo kolka aad joogtid baraha bulshada, taas oo soo jeedinaysa dareenka qofka aad rabtid, xogtan oo ka timi qoraaga buugga The Man Diet, Zoe Strimpel iyo la taliyaha dhanka xidhiidhada jacaylka ee Suzie Hayman


1. Ha u haasaawin sidii oo aad fulinayso xil lagugu amray

Haddii aadan dareemayn inaad jeceshay, ka joogso. Haddaadan qofkaa jeclayn, ha raadsan.

'Iskagacelcelintu' waa dilaa - waana sababtaa werwerka, taas oo waxyeelaysa dareemmada taban ee qofka iyo kuwa dadka kaleba.


2. Aammin dareemadaada


Haddi meel uun ka ogaato ama ku aragto calanka cas, dhab dhab u qaado.

Waxaa jira falal ay tahay inaad ka fekerto: Waxaa suure ah inaad isi saarto khalad aysan ahayn inaad adigu qaadato.

3. Daraasadihii ugu dambeeyay waxay soo jeedinayaan in marka ay timaaddo dhanka fariimaha, khasaaruhu yar yahay


La sheekaysiga online-ka boqollaal qof hal mar, tusaale ahaan, dadkaas aad si onilne ah maalin walba ula falgelayso waxay kugu sababi karaan khalkahl maskaxeed.

Qofkaago wakhti sii, oo la qaado xilligaaga qofka aad jeceshahay inaad la qaadato, siiba kuwa aad isu hubto.

4. Haasaawuhu waa ciyaar lambarro oo kale ah - tag meesha dadku ku badan yahay ee la aamini karo

Iska ilaali adeegyada shukaansi , ee aadan cid ka garanayn, tag meesha ay ku badan yihiin dadka wanaagsani.

Haasaawuhu waa sidii ciyaar lambarro ah, sidaa darteed si loo helo lanbarka dheemmanka ah ee dhexda ku jira, waxaad u baahantahay inaad dhib marto. Ha aaminin ganacsiyada sheegta inay dheemman ku dhex jirto/jiro bogaggooda. Ma hayaan! maxaa yeelay ma jiro jid dhaw oo waxa wanaagsan lagu helaa

5. Marka hore saaxiibbadaa ku horree.


Xidhiidhada ugu wanaagsan waxay u badan yihiin kuwa ka dhex dhaca ee ka bilawda asxaabta, kaddibna isu roga inaad lammaane noqotaan

Dabcan, waxaa laga yaabaa iyana in aad barato qof muhiim ah oo haddana saaxiib kugu cusub ah.


6. Ahaw qof furfuran.


Waxaad u maleyn kartaa inaad ogtahay waxa adiga ku soo jiita laakiin mararka qaar sidaa ma aha.

Haddii aad soo kobtid liiska aad indhaha ku haysid, waxaa laga yaabaa inaad weydo qofkii dhabta ah ee wacaya gambaleelkaaga ama jelaskaaga, macnaha qofka ku raadinaya adiga, sidaa darteed weligaa ha isasoo ururin oo cid ha u xidhnaan.


7. Ahaw qof taxaddar badan oo digtoon


Sida badan qof walba oo internetka jooga hore xidhiidh ulamaad lahayn, taas macnaheeduna qofkan waxba kama taqaanid isaga ama iyada.

sidoo kalena waa in aad mar walba ahaataa qof feejigan.

Codsi kasta oo ah lacag oo kaaga yimi xidhiidh cusub, ama qof oo ka ballamadiinna, yaanay keensan inaad qofkaas Block saarto.

Ha noqon qof sida ciyaarta giraanta oo kale dareemmadiisu is bedbeddalaan


Loading...
Loading...