Dr. Abiy Oo Olole Siyaasadeed Ka Bilaabay Dalalka Khaliijka.

0
Friday February 14, 2020 - 10:48:50 in News by
  • Visits: 1495
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dr. Abiy Oo Olole Siyaasadeed Ka Bilaabay Dalalka Khaliijka.

    Dr. Abiy Oo Olole Siyaasadeed Ka Bilaabay Dalalka Khaliijka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dr. Abiy Oo Olole Siyaasadeed Ka Bilaabay Dalalka Khaliijka Ra’iisul Wasaareha Ethiopia Dr Abiy Axmed ayaa maanta u ambabaxay dalka Isutagga Imaaraatka Carabta (UAE) si uu ula kulmo jaaliyadaha Itoobiyaanka ah ee ku nool waddamada Khaliijka iyo Bariga Dhexe.

Inta lagu jiro booqashadiisa, Raysal Wasaare Abiy wuxuu kulamo wada tashi ah la yeelan doonaa inka badan 15,000 oo Itoobiyaan ah oo isaga kala yimid dalalka Sacuudiga, Lubnaan, Kuweyt, Cumaan, Qatar iyo Baxrayn.

Booqashada Ra’iisul Wasaaraha ayaa qeyb ka ah dadaallada Dowladda ee ku aaddan xaqiijinta amniga iyo iyo sugida xuquuqda muwaadiniinta iyo sidoo kale ka abuurida jawi wanaagsan oo damaanad qaad qaad u ah jaaliyadaha Itoobiya ee ku nool dalalka Khaliijka iyo Bariga Dhexe, ayaa lagu yidhi war ka soo baxay xafiiska Raysal Wasaraha


War saxaafadeedkan ayaa waxa sidoo kale lagu sheegay In ka badan 100,000 oo Itoobiyaan ah oo ku noolaa qurbahu ay dalka ku noqdeen kadib markii ay soo jiiteen siyaasadaha ku qotoma mudnaan-siinta muwaadinka ee uu Raysalwasaare Dr. Abiy bilaabay tan iyo markii uu xafiiska la wareegay bishii Abriil 2018.

Dhinaca kale kooxaha dhaliilsan siyaasadaha RW Abiy ayaa aaminsan in safarkan Raysal wasaarahu uu yahay mid salka ku haya Olole siyaasadeed oo hordhac u ah doorashooyinka dalkaas ka dhici doona sanadkan dabayaaqadiisa oo uu ka bilaabay Khaliijka.
BbcEnglish
Xafiiska Hadhwanaag Ee Borama
Loading...
Loading...