Dhaqanka Jaahiliga Ah Ee Ummaddeenu Ku Dhaqantaa Waa Gidaar Adag.Dhaxal Wareejin Baa Ku Xiga.
Waxaynu wada ognanahay inaynu KU dhaqano dhaqan JAAHILIGA ah ee Qurayshtii iyo Carabtiiba
KU dhaqmi jireen diinta Ka hor weli Illaa
yomanaa hadaa wax badani weli jiraan wax badanna Diinta Islaamka ay Ka
baabisay Carabta. Inaga Somali sheegata dhaqankii JAAHILIGA ahaa ee
Diintu Ka soo horjeeday OO weli xeerarka Somalidu KU dhaqanto ee nolosha
dhinac kasta ood eegto hadday dhaxal Tay hadday dhiigtay, hadday IYO
hadday dhaqaale tahay . U kuurgal dhaxalka waxaynu sidaynu yeello Diinta
maba raacno ee xeer jajab la mida kii Qurayshtii iyo Carabtii Diinta Ka
hor Isticmaali jireen baynu raacnaa. Dhiigga maba raacno sida Quraanku
leeyahay ma yeelno umana dhowin ee dhaqankii JAAHILIGA ahaa baynu KU
dhaqannaa , u fiirso magteenna haddii wax yar la bixiyo xittaa Sannaday
qaadataa badina aar goosi dhaqan JAAHILIGA ah baynu KU dhaqannaa. Xagga
shaqaalaha kii JAAHILIGA ayeynu KU dhaqannaa ee is boobka ,dhaca ahaa (
HA LA QADHAMSADO NIN QUWAAX HELA NIN ISKABA QADA). Nolosha aynu KU jirno
dhaqan ahaan Distoor la xar xariiqay, Dimoqraadiyad la sheeg sheego,
Dawladnimo lagu riwaayadeeyo waxaasoo dhan waxaa Ka adag oo hortaagan
dhaqan JAAHILIGA aynu KU dhaqano marka la tooso Illaa la seexanayo.
Madaxweyne kasta waxaa hor taagan oo Ka hor imanaya DHAQANKA JAAHILIGA
ah ee ummaddu ee ummaddu (practice) to. Waxyaalaha dawladnimadeena
hortaagani maaha Madaxweyne Xun ee waa dhaqan xumo jaahiliya oo Gidaar
adaga.
Nebi Mohamed (CSW) markii Diinta Allah KU soo dejiyey Wuxuu dagaal
adag la galay dhaqan Xumadii JAAHILIGA ahayd oo weli Carabta oo weli
(remnants) badani jiro illaa maanta inagana weli Diinta ummaddu aqoona
Uma laha weynu Ka darannay Quraydii hadalada ahayd siday u noolaayeen
baynu u dhaqannaa. Dumarka weli weynu yasnaa, dhacnaa iyo Caruurtaba iyo
qof kasta oo laga Xoog weynyey meeshuu joogo waa sidaa dhaqankeenu
maanta. Wadaadu ummadda way wacdiyaan oo wax way bar Baraan laakiin
(effective) maaha umana dhowa in ay ummaddu wax Ka bedelaan si joogto
ah laakiin Xoog ay dhaqan xumada JAAHILIGA ah KU suuliyaan ma HAYAAN
hadaba halkan ay Dawladnimadeenu ka tallaabsan la day ee ay Ka
tabaalaysantay waa DHAQANKA JAAHILIGA ah ee madaxyadeenna Ka buuxa,
Xisbiyo ,qabiilooyinkeenu Ka waalan yihiin Dimoqraadiyad iyo waxaasi Ka
dhaqaaqi la yihiin waa Casrul Jaahiliya baynu KU soconaynaa oobku
noolahay. Xukuumadaa iyo maamuladu si kasta oo ay ugu daydaan Dawladaha
horuumaray xagga Ismaamulka KU guulaystay oo si kasta oo dharkooda iyo
(tie) qoorta la soo sudho shaqaynmayso. Waayo shacabkii iyo fikirkii
Jaahiligii buu KU jiraa fikirkii jaahiligii buu KU qotomaa iyo reer
Hebelkii ,ha la qadhamsadodii. Horuumar afkaa ha laga hadal hayo laakiin
ummaddu kama sarfaafayso .ummaddii Dunida oo mandaqaddii Somalida KU
Soo duulay baynu ARAGNAA oo iimaan laawayaal inaga ani hor kacayaan,
xayaaanka inagoo so taagan baa la gurtaa iyo dhirtaba. United Arab
Imarate waa Duullaan ee ummuu Iman inuu kula baayac Mushtareeyo,
Jaahiliyadda dhulalka Somalida Ka jirta ayaa la dersay waxaan goaana in
Somalida la dhaxal wareejiyo inta lacagtaa yar ee indha Sarcaadka ah la
tuso iyi nolol (artificial) iyo debed wareeg sida reer Siilaanyo ba KU
dambeeyeen.
Suaal weeye Madaxweyne Muse Biixi miyuu isna u guuri doonaa Dubai beri dhaw.
M Bashe
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!
Loading...
Loading...