Faalo:- Isu Dheelitirnaan La'aanta Siyaasadda Xukumadda Kornayl Muuse Biixi Cabdi

0
Thursday February 13, 2020 - 16:39:54 in News by
  • Visits: 1785
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 4
  • Share via Social Media

    Faalo:- Isu Dheelitirnaan La'aanta Siyaasadda Xukumadda Kornayl Muuse Biixi Cabdi

    Faalo:- Isu Dheelitirnaan La'aanta Siyaasadda Xukumadda Kornayl Muuse Biixi Cabdi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Faalo:- Isu Dheelitirnaan La'aanta Siyaasadda Xukumadda Kornayl Muuse Biixi Cabdi


Hargeysa(HWN):- Kornayl Muuse Biixi intii uu Hayey xilka Madaxweynenimada Somaliland waxa jira nidaam kala dhantaalmi siyaasadeed oo ka jira Somaliland waxaana kolba sababteeda leh cidda hogaanka haysa

Aragtidda loo yaqaano isu dheeli tirka siyaasadeedu wuxuu dib ugu noqonayaa cahdigii Giriiga iyo Beershiyanka , waxaanu sii kobcay waqtigii dhexe ee Roomanka hasa yeeshee wuxuu qaan-gaadhay Qarnigii 17aad , waxaana gardaadidisay mucaahadadii ay gaadheen Dawladihii reer yurub ee loo yaqaanay Peace of Westphalia .

Mucaahadadii Peace of Westphalia .

Ka dib markii Yurub 80 sanadood oo xidhiidha dagaal ka dhex socday Jarmalka iyo Holand , 30 sanadoodna Jarmalka iyo dawladaha Swedan iyo kuwo kale ayay Yurub saxeexday heshiiskaas laggu soo afjaray dagaalkaa mudada dheer socday oo ay ku dhinteen Malaayiin qof .

Halkaaas ayey Somaliland Maanta Maraysaa aragtida gaaban ee madaxdeeda oo uu ugu horeeyo Madaxweynaha maanta talada haya Kornayl Muuse Biixi Cabdi iyo Golihiisa wasiirada halisna waxa loogu jiraa inay dhimasho badani ka dhalato dheelitirnaan La'aanta Iyo Saamiqaybsiga ka raran dhinac kaliya ee reernimo.

Hadii an dib ugu noqono yurub:

Mucaahadadaas ayaana reer yurub wadada ugu jeexeen mabaadida dawladahu hadeer ku dhisan yihiin oo mabda'ana ka mid yahay .

Hadaba Mabda'an khuburadda culuunta siyaasaddu ku xeesha dheeri waxay ku qeexaan dabeecadiisa labadan qodob .

1- Isu dheeli tirka siyaasadda waxaa sal-dhig u ah is dhaliilid iyo is barbar dhig , isu dheelitir siyaasadeedna ma jirro is dhaliilid la'aan .

2- Isu dheeli tirka siyaasada iyo awooduhu waxay keenaan in aan cidi soo rogin aragtideeda oo qudha , dadkuna helaan aragtiyo ay kala dooran karaan .

Somaliland Maanta:

Sidaa markay tahay , Somaliland waxay qaadatay nidaamka xisbiyada badan , kaasoo ujeedada ay u qaadatay uu yahay in la hello isu dheeli tir siyaaasadeed oo xaqiijiya helitaanka mabaadi siyaasadeed oo la kala doorto .

Hasa yeeshee waxaad moodaa in axsaabtii siyaasadeed iyo ciddii meteli lahayd Bulshada Somaliland ee fursadaa haysatay ay gabeen kaalintoodii ay kaga qaban lahayeen tacadiga siyaasad xumada xukumada Kornayl Muuse biixi oo ay ka gaabiyeen curinta iyo falkinta siyaasaddo la loolama kuwa xukuumadda taagta daran ee inagu soo oodey siyaasadihii arrimaha debeda, tii Arrimaha Gudaha iyo xisbigeedda muxaafidka ah oo ah meel lagu difaaco dhaliisha Kornayl Muuse Biixi

Sababtoo ah macnaha muxaafidnimadu waxa weeye difaaca sida hada ay wax yihiin xaqiiqada

halka mucaaridaduna ka tahay sheegista sida ay jeclaan lahaayeen in ay wax noqdaan danta ummaduna Ku jirto iyo toosinta xukumada waxii ka qaloocan

Waxaanay ahayd in axsaabtu ku sameeyaan naqdi siyaasada arrimaha dibeda ee xukuumadda , soona qadimaaan siyaasadooda arrimaha dabada si is barbar dhig loogu sameeyo waxii fiican.

Si kastaba ahaatee , waxaa muuqata in aanay axsaabtu fursadaa ka faaidaysanin sheegina galdaloolooyin badan oo maanta ka jira xukumada kornaylka dalkana uga faaidaynin fikirkooda xorta ah.

Kornayl Muuse Biixi waxa ayaan daro ah inuu aasay maanta dibimuquraadiyadii uu hirgeliyey Madaxweynihii labaad ee Somaliland Daahir Riyaale Kahin. Kuna celiyey halkii dhawr iyo sagaashanki maraysay taasina sababtay kala tegid bulshada dhexdeeda ah iyo inuu reerba dhiniciisa tabasho badan u helo una muuqato in nidaam sii xumanaya mooye aanay waxba soo kordhaynin.

Siyaasada aan dheeli tirnaynin waxay dhashaa tabasho, kala fogaansho, naxli, cunfi qabiil, samaysan jabhadeed, ciidan cadhooda oo goosta, dil, boob, dhac iyo kala danbayn la'aan Bulshada iyo Dawlada sababteedana waxa tunka u ridan doonaa hadii taasi dhici weydo xukumada kornayl Muuse Biixi.

Dal waxa tubta toosan Ku rida hadba siday madaxdiisa hogaaminaysa noqoto dibimuqraadiyada iyo nidaamka dawladeed sidii ay Ku hagaamiso xukumadda talada haysaa taasana keentay isu dheeli tirnaan la'aanta siyaasada Taliye Muuse Biixi Cabdi.



Hadhwanaagnews

Hargeysa/office

Loading...
Loading...