Xabaalo Amaan Xishood Daranaa ( Abdi-Shotaly).

0
Monday April 01, 2019 - 12:15:54 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1673
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xabaalo Amaan Xishood Daranaa ( Abdi-Shotaly).

    Waxa la yaab leh oo u qaadan waa ah iyo wax af aan la soo marin karin, kana weyn wax shir la isla soo taago,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa la yaab leh oo u qaadan waa ah iyo wax af aan la soo marin karin, kana weyn wax shir la isla soo taago,
oo bilaa xishood iyo xanshax darro badhdheedh ah, iyaba waa yaabe, ummad yahay bal kii macalinka pp-dda ahaan jirey ( waa ka ay ku magacaabaan Cali Gureye), oo intuu shir jaraa'id qabtay, ku amaanay tuugtii dalka iibisay kii ugu weynaa, waa aabihi beenta, musuq-maasaqa, qabyaalistaha, eexdda, kala qoqobka Goboladda, kala fogaynta shicibka walaalaha ah, oo tuugta dalka baabi'say ka ugu horeeya ah, weliba intaa ay u dheer tahay isaga oo in gaara la colaw ku caan baxay. Hadaba Xaaji musuq ( waa maxamuud Xaashiye), isaga oo inta sare aan ku sheegay-ba lagu hayo, oo ay cadaan tahay, murana aanu kaba taagnayn, si wacana ay ummadda reer somaliland uga dheregsan yihiin, baa Cali Gurey ku sheegay Siyaasi iyo af-tahanimo aan meela u soo marin. akhristaw miyaanay ahayn wax laga yaq-yaq-soodo? Ma kii wanaag iyo waayo' aragnimo uu ku tilmaami lahaa baa? Waxa la yidhi " Nin qalbi la', ninkii quraanka u akhriyey, qaaf dheh ku haraadye", Wax-ba yey dhuuntu kugu cadaan, ka aad dhoodh-baysaa waa kii aduunka inta dul saaran bani'aadmi ugu kharibnaa, dhan kaste oo la eegoba'e. magac iyo sharaf aanu lahayn u samayn kari maysid Xaaji Muquqe, Adna waxad tahay iyadda oo aan cid kale ku sheegin, kii adiggii hore isugu qeexay shicibka, ee meel isu soo taagay qabyaaladu in ay qaran ka wacan tahaye, jooji nacnac-dda aad shubayso.



Waxa hore loo yidhi " Sakaaro xaar la arkaayo bay aasaas-taaye, iyadoo la ogaa Cali gurey wixii uu ku hadli jirey, ee qabyaalad iyo iska hor-keenka ummadda ahaa, is nacsiiyey muwaadiniinta, mabda'iisu si cad reer hebel ugu xuub siibtay, shirarka isla soo taagaayey, af buuxana ku lahaa " Halkii Illaah I baday baan raacayaa" oo micna-heedu yahay, askariga baan isku reer ahaan awgeed u garab geleyaa iyo tii ka sii darayd ee aad ugu ban baxay-ba qaran dumus-nimadda dad-kana uu ugu kala ab-tirinaysey, waa markii uu lahaa " Sacad Muuse Madax weyne weliggii ma yaalan doono" Haddii aanay askariga beeshoodda ah dooran ( waa askariga'e). Isaga oo Cali Gurey intaas iyo wax ka sii daran laga hayo, buu nasiib darradda ina haysata, misana sii raaciyey, in M.Xaashi waa wax garad yahay, saw meel lagu goblamey maaha? horaase loo yidhi " Tuug-tuug ma sheego" oo way isu xil qariyaane, ummadan imika ka dhaadhicin kari maysid Tuuggii ay yaqaaneen, ee waxa kale oo lagaa qoro ma haysaa? Wax kaa soconaaya la-maad shir imane.


Laba nin oo geel-jire ah baa hadhuub caano ah iyaka oo wadaagaaya, ku heshiiyey in uu mid-ba mar kabado, dhawr jeer markii ay sidaa ku dhamayeen caanihii, buu mid markii dambe u qariyey bahal cantuugo ah, isaga oo weli afka ku haya, oo aan liqin, buu kii kale yidhi" Nin-yahw kala dooro, intaad afka ku hayso, iyo inta ku hadhay hadhuubka" ilayn afkaa u buuxa, oo ma hadli karo'e, wuxu is yidhi, aad hadashide horta intan liq, markuu dejiyey buu is yidhi hadal, kii kalaa ku yidhi jooji hadalka waad doorataye, in aad tufto ama afka ku hayso bay ahayde, markii aad liqday baad dooratay wixii aan isku hayno, oo intii aad cantuug-sanayd baa doortay, ee inta hadhuubka ku jhadhay anaa iska leh, waxan uga socdaa, beri horaa lagu kala dhaqaaqay, wax aan jirin sheeg, ee dhul dhacaaga hubso. Maah-maah baa waxay ahayd " Shimbir-ba-shimbir-kiisa buu la duulaaye" Cali gurey iyo Ina Xaashi waxa isku daray, ee is raaciyey wax kale ha moodina? ee intii lagu yaqaanay, hore-na ay u qarsan kari la'aayeen, oo ah qabyaaladdii sideedda ah weeye. Maanta iyakoo labaduba aynu taariikh-doodda sidaa u hayno, in ay ku af gobaad-sadaan, waxanu nahay rag qaranimadda Somaliland meel isu soo taagay, miyeynu ka yeelaa? Miyaanay naf-toodda isugu khajilayn? Damiir la'aanta Cali Gurey waa qayrul xad aan hore loo arag, halkii uu is qarin lahaa, ee uu ku jiri lahaa inta noloshiiisa ka hahday-na, uu dhuumsho ugu maqnaan lahaa, si aan cidi u arag, baabu la yimi, in uu xabaalo amaan noqdo bilaa xayo ah, ummad-na khiyaali iyo huu-haa aan sal iyo raad lahayn kula dhex meeraysto. Waxan ku soo xidhay qoraalkan, xikgmaddii ahayd " Nin ambaday halkuu maray way ula ekoonayde, waa adigaa qarda-jeex jibaaxay, adiga iyo ka makara-fooonka kuu soo dhiibtay-ba, waa qaawan tihiine xishood oo xidho dibnaha, wixii hore iyadda oo ay buuga taariikh-dda idiinku jiraan, oo ay ceeb-tiinu debedda taalo, siddii riyihii dabadda qaawanaa, ee hadna idaha la yaabi jirey, baad sifa-heeddii leedihiine, tuug yahay ka fadhiista ummadda bilaa damiirka ahi

* N.B Riyaha Qaawaan baa idaha asturan la yaaba ( Waa sidda kuwane)!

Qore:- Abdi-Shotaly.

[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...