Maraykanka Oo Shirkadda Al-Barakaad Ka Qaaday Xayiraaddii Saarneyd

0
Thursday February 13, 2020 - 14:25:03 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 1495
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maraykanka Oo Shirkadda Al-Barakaad Ka Qaaday Xayiraaddii Saarneyd

    Bilo kadib, markii ay dhaceen Weeraradii Diyaaradaha ee bishii September 11-dii ee sannadkii 2001

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Bilo kadib, markii ay dhaceen Weeraradii Diyaaradaha ee bishii September 11-dii ee sannadkii 2001

Dowladda Maraykanka waxay shalay Liiska Argagaxisada ka sartay Kooxda Shirkaddaha Barakaat ee The Barakaat Group of Companies, taasi oo ay Cunaqabatayn ay saarnayd tan iyo bishii November ee sannadkii 2001-dii xilligaas oo weerar uu ka dhacay Maraykanka.

 

Waaxda Maaliyadda ee Maraykanka ayaa Hadal-qoraal oo ka soo baxay lagu sheegay inay xireen Cutubkii eedeymaha ee ay u haysteen Kooxda Shirkadaha Soomaaliyeed ee The Barakaat Group of Companies ee shaqadooda ahayd Shirkad ka shaqeyn jirtey Xawaaladda Lacagaha.

Bilo kadib, markii ay dhaceen Weeraradii Diyaaradaha ee bishii September 11-dii ee sannadkii 2001-dii lagu burburiyey Daarihii Mataanaha ayey Dowladda Maraykanka xayirtay Hantidii Shirkadda Al-barakaat, lana wareegeen dhamaan Dukumentiyadii iyo Diiwaan-gelinadii ay Shirkadaasi ku lahayd Caalamka.

 

Xayiraadaasi kadib, waxa uu Xoghayaha Maaliyadda ee Maraykanka Paul O’Neil sheegay inay Al-barakaat malaayiin Dollar sanadkiiba u gudbin jirtey Ururka Al-qaacida, waa sida uu hadalka u yiri, inkastoo ay Shirkadda The Barakaat Group of Companies had iyo jeer gaashaanka ku dhuftaan Eedeymahaasi.

Dhinaca kale, Kooxda Baarayaasha Maraykanka ee Weeraradii Daaraha Mataanaha ee September 11-dii ee sannadkii 2001-dii waxay sheegeen inaysan haynin caddaymo Toos ah oo muujinaya inuusan waxa xiriir ah ka dhexeynin Al-barakaat iyo nooc kasta ee Kooxaha loogu yeero Argagixisadda.

 

Qaadista Cunaqabatayntaasi ayaa timid dhowr isbuuc kadib, markii Waaxda Maaliyadda Maraykanka shaacisay inaysan wax dembi ah gelin Shirkadda u qabilsan U-ololeynta ee Park Strategies LLC ee xarunteeda ku taallo magaalladda New York ay wakil u ahayd Shirkadda Albarakaat,

 

Dowladda Maraykanka waxay Asaasaha Shirkadda Albarakaat, Axmed Nuur Cali Jimcaale iyo Kooxda Shirkadaha Albarakaat ee The Barakaat Group of Companies waxay Liiska Xayiraadda ka saareen sannadkii 2016-kii, halka ay QM liiska Cunaqabataynta ka saartay Axmed Nuur Cali Jimcaale iyo Kooxda Shirkadaha Albarakaat sannadkii 2012-kii.

 

Shirkadda Al-barakaat waxay Xaruumahooda Maaliyadda ku yaallaan dalka Imaaraadka, waxayna lahaayeen in ka badan 180 Xafiisyo u qaabilsan Xawaaladda Lacagaha oo ku kala yaalla 40-Waddan.


Loading...
Loading...