Kulan u socdo Madaxweyne Deni iyo Safiirka Mareykanka ee Somalia

0
Thursday February 13, 2020 - 14:09:08 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 1420
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kulan u socdo Madaxweyne Deni iyo Safiirka Mareykanka ee Somalia

    Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in Xarunta Madaxtooyada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in Xarunta Madaxtooyada

 

Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari waxaa Maanta gaaray Wafdi uu hoggaaminayo Safiirka Dowlada Maraykanka u qaabilsan Soomaaliya Danjire Donald Yamamoto oo uu qeyb ka yahay Taliyaha howlgalka Africom Janeraal Stephen J. Townsend.

 

Xubnaha Wafdiga ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha Boosaaso kusoo dhaweeyey Xubno ka tirsan Golaha Wasiirada Puntland,iyaga oo ugu dambeyn la geeyey Xarunta Madaxtooyada ee Magaalada Boosaaso.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in Xarunta Madaxtooyada uu ka socdo kulan u dhaxeeya Madaxweyne Deni iyo Xubnaha wafdiga,iyaga oo ka wada hadlaya xaalada Soomaaliya, khilaafka Puntland iyo dowladda federaalka iyo taageerada maraykanka ee dhanka ladagaalanka waxa loogu yeero argagixisada.

 

Safiirka Dowlada Maraykanka u qaabilsan Soomaaliya Danjire Donald Yamamoto iyo Taliyaha howlgalka Africom Gen. Stephen J. Townsend ayaa shalay waxaa ay tageen Magaalada Kismaayo,iyaga oo Madaxweynaha Jubbaland kala hadlay khilaafka Dowladda & Jubbaland iyo xaalada ka taagan Gobolka Gedo.

 


Loading...
Loading...