Jubbaland Oo Dowladda Dhexe Ku Eedeysay Dagaalkii Ka Dhacay Kismaayo

0
Thursday February 13, 2020 - 08:13:56 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 1831
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jubbaland Oo Dowladda Dhexe Ku Eedeysay Dagaalkii Ka Dhacay Kismaayo

    Waxaa uu sheegay wasiirku in Ciidanka Jubbaland ay Caddaaladda horkeeni doonaan Kooxdii rabashadaha ka sameysay Kismaayo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa uu sheegay wasiirku in Ciidanka Jubbaland ay Caddaaladda horkeeni doonaan Kooxdii rabashadaha ka sameysay Kismaayo.

Wasiirka Warfaafinta Dowlad-goboleedka Jubbaland Cabdi Xuseen Sheekh oo gelinkii dambe ee shir jaraa’id ku qabtay magaalada Kismaayo ayaa sheegay in ciidanka amniga Jubbaland ay fashiliyeen isku day ay Dowladda Federaalku ku khal khal gelinayso nabadgelyada magaalada Kismaayo.

Cabdi Xuseen Sheekh Maxamed Wasiirka warfaafinta Dowlad-goboleedka Jubbaland ayaa shirkiisa jaraa’id ku sheegay in fashiliyeen qorshe ay dowlada federalka Soomaaliya ku dooneysay inay ku wiiqaan ammaanka Kismaayo.

 

"Ciidanka amniga Jubbaland waxa ay dhabarka ka jebiyeen qorshe ay Dowladda Federaalku ugu talo gashay in ay ku bur-buriso nabadgelyada magaalada Kismaayo, iyada oo adeegsanaysa kooxo malayshiyaad ah balse wuu dhicisoobay.”ayuu yiri wasiirka warfaafinta Jubbaland.

Waxaa uu sheegay wasiirku in Ciidanka Jubbaland ay Caddaaladda horkeeni doonaan Kooxdii rabashadaha ka sameysay Kismaayo.

 

Iskahorimaad hubeysan oo  ka dhacay  magaalada Kismaayo ayaa sababay qasaare isugu jirta dhimasho iyo dhaawac.

 

Waxana uu iskahorimaadkan ku soo beegmay xilli ay  gaareen magaalada Kismaayo taliyaha howlgalka AFRICOM Stephen Townsen iyo safiirka Maraykanka u fadhiya Soomaaliya Donal Yamamota.


Loading...
Loading...