Hambalyo Iyo Sagootin Diplomacy Sharmaake. Q: Abdishakur Gande.

0
Monday April 01, 2019 - 12:05:59 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1441
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hambalyo Iyo Sagootin Diplomacy Sharmaake. Q: Abdishakur Gande.

    Awalan Hambalyo xilka cusub Sharmake Geelle

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Awalan Hambalyo xilka cusub Sharmake Geelle

Haddaan madaxwayne ahaan ahaa ugu yaraan Sharmaake Axmed Muxumed Waxqabadkiisii waxaan ugu abaal gudi lahaa in an ugu magac daro Hoolka (Guriga shaqaalaha) Sharmaake Geelle. Sida, Siilaanyo National Library. Balse shakhsi ahaan waxaan ugu abaal gudi in uu ii yahay masuul ku dayasho "Kudayasho Wanaagsan" ama in aan u ogsoonahay waxqabadkiisa qaran.

.

Waxqabadyada ugu waawayn ee qaranka JSL.

.

1. Nabadayntii Beelaha Somaliland


2. Hub Ka dhigistii Jabhadaha SL
3. Qaramayntii Ciidan Beeleedyada
4. Tirintii iyo Tayayntii Shaqaalaha SL
5. Doorashooyinkii qaranka.

6. Iyo Wax Lamida.

.

Mudane qalin kasta ma noqon karo qalinkaagi aan qabiilka lahayn. Sidaa darteed Hore usoco xataa haday kuwa kula socaa joogsadaan ama dib u jeestaan.

.

Sida ay qiimo badan u leedahay in aad Labo Madaxwayne oo kala duwan aad la shaqaysay ayay iyana qiimo wacan u leedahay inad meelo kala duwan ka shaqaysaa. Waxa shaqaalaha iyo dhalinyarada ku beeray walaacu ma aha bedelkaaga balse waa helitaanka rajadii iyo hankii qaranke aad rumaysay inu waari doono waayo xilku waa meerto. Muhiimaduna waa shakhsiyada ee ma aha shaqada. Waan qirayaa qof adigoo kale ah inu ku haboon yahay booska le awood sharci cilmiga & caqliga aad leedahay qarankaaga wax ugaga qaban karto. Anigoo ku kalsoon aad markaste gudan doonto xilkaaga taasi waa sababta qofnimadadu uga qaro wayn tahay hadba booska aad joogto. Tani maantu waa fursad kalo aanad kaga dalacdeen hadaad halkii hore joogi lahayd. Fursada oo aanay cid kasta fahmi karin. Duco qabe jisakallah khayr.

.

Waxqabadkaagii iyo qofnimadaadii waa waxa ku difaaci doona ama aanu kugu xasuusan doono xiliyada aad qaranka u maqantahay.

.

Abdishakur M Hassan

Hargaysa Maroodijeex Somaliland.

634200882 / 654200882 / 634454882

[email protected]

[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...