Muquuninta Sarifka Iyo Maciishadda Oo Maaro Beeshay

0
Monday April 01, 2019 - 11:56:56 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1067
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muquuninta Sarifka Iyo Maciishadda Oo Maaro Beeshay

    Muxuu yahay malaha muwaadinku. Maxayse tahay maaraha ku xukuumadu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muxuu yahay malaha muwaadinku. Maxayse tahay maaraha ku xukuumadu
Sidaan wada ognahay waxaan arkaynaa inaanu jirin qorshe qaabaysan. Oo xukuumaddu ka qaadatay arinkaa. Bulshada marba badhabaa dulman baadhitaana ma muuqdo iyo baadi goob lagu bad baadin karo bulshada bidhaanta wayday

Sarif iyo sicirbarar ayaa kala boobay bulshadiii yaase badbaadin kara?
Badideen garanay inaynu boqranay madaxweyne iyo maamul mase yihiin qaar wax maareeyey?

Maya hadaan nidhaahno waa meeris mudnaantiisa leh. Oo bulshada inta miciinka u baahan ay xaq u leeyihiin.

Dhabo kasta oo la qaado dheelibaa jira waase baahi aynu xalin karno. Dhadhaabkasta dhinac ayeynu u leexin karnaa weynuse dhaadanahay
Oo dhuuni meel kaa galay ayeynu ku dhabar adayganaa

Hadaan intaa ku dhaafo hogo tusaalaynta iyo teelteelka ararta maqaalka waxaa tilmaan u baahan tayada nolosheena inaan hagaajino
Oo taxadir u yeelano tawskasta. Oo inagu timaada inagoo isku tiirsan taaasbaa u baahan taataabasho. Tusaale aan u soo qaato tan maanta taagan. Oo ah tafaraaruqa bulshada midba tiirku xidhay
Ee aynu la tabaalaysanahay. Maciishadda maalinba maalinta ka dambaysa. Mooska sii goosanaysa. Iyo doolarka aan dariiqba lahayn

Xukuumadii. Xujadeedi dhamaan wayday oo xalkeeni wayday. Inoo ah shacabka ayaa sheekada bedeli karna hadaynu isku tanaasulo oo istaageerno. Macno iyo milgaha lumay ee ganacsigana aynu meel saarno
Tiir adagna aynu ku xidhno tuugta ina towsatay inagoo aan tilmaansanayn. Tol iyo qabiil toona ee eegayna tamarta wax qabadkeena iyo tubta nolosha aduunku maray.

Cidkastoo wax tabcatay taageero ay cidsiisay kumay gaadhin ee waxay ku tanaaday taakulayn ay dhexdeeda tamar u yeesheen oo ay ku tiigsadeen. Talada dhabta ah

Tartanka aduunka hadaynu ku teedsanaano waxaa hubaal ah ta maanta aynu jiogno inanynu ka tanaadi doono oo taaban doono. Tooska dariiqa cidkasta oo tuweyn yeelatay

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...