Hannaan kee loo Oggayaa Dacwadaha la Xidhiidha Eedaha Dambi ee Masuuliyiinta Sare ee Dawladda?

0
Monday April 01, 2019 - 11:53:06 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1055
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hannaan kee loo Oggayaa Dacwadaha la Xidhiidha Eedaha Dambi ee Masuuliyiinta Sare ee Dawladda?

    Marka aan leenahay "masuul dawladeed," (Public Official) waxa ay u baahan tahay lafteedu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Marka aan leenahay "masuul dawladeed," (Public Official) waxa ay u baahan tahay lafteedu

 qeexid sharci oo rasmi ah si ay u kala caddaato sharciyan darajadooda. waxa aynu u kala qaadayna laba derejo oo kala ah 1. Sarkaal dawli ah (Public Officer) iyo 2. Masuul dawladeed (Public Official)-macnaha u dhaw ee Somaliga.

Sarkaal dawladeed waxa uu Xeerka Ciqaabta Guud ku qeexa, gaar ahaan qodobka 240 aad, "waa qof kasta oo si joogto ah amma ku-meelgaadh ah, xor ah amma cawl-celin ahaan (For reward), mutadawacnimo amma waajibaad u gudanaya shaqo dawliya sida sharci-dejin, adeeg maamul iyo adeeg garsoor, sababtoo ah danta qaranka amma hay’ad dawli ah.”

Sida muuqa qeexitaankan sare ma kala saarin heerka sarkaal dawli ah amma masuul, balse sharciyan kala noqonaysa sarkaal dawli ah oo ah mid xeerka shaqaalaha dawladdu lagu dhaqo iyo masuul dawli ah oo noqonaya mid ku magacaaban digreeto madaxweyne amma doorasho ku yimaad (Xubnaha Saddexda Gole Qaran).

Sidaa darteed, i dambiyada ay ka mid yihiin khiyaamo qaran amma dastuur jebin ee lagu eedeeyo Wasiir amma Wasiir-ku-xigeen waxa ay leedahay hannaan dastuuri ah oo dacwadooda loo qaado, maxkamad u gaar ah iyo si gaar ah loo dhegaysto.

Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland qodobkiisa 96 farqadiisa 4aad waxa ay caddaysay in Xeer-ilaaliyaha Guud dambiyada qodobkan ku xusan (Khimaayo qaran iyo dastuur-jebin) eedooda uu u gudbinaayo Madaxweynaha, haddii Madaxweynuhu ku qancana xil ka xayuubinta uu sameeyo kadib dacwad oogisto bilaabmayso. sida ku cad Qodobka 96 (4) ee dastuurka; "…..Waxaa warbixinta eedda uu Xeer-ilaaliyaha Guud u gudbin doonaa Madaxweynaha. Haddii Madaxweynuhu ku qanco warbixinta waxa uu Wasiirka ama Wasiir-ku-xigeenka ka xayuubin doonaa dhowrsannaanta. Haddii uu ku qanci waayo Madaxweynuhu warbixinta Xeer-ilaaliyaha Guud, wuxuu amrayaa inuu Xeer-ilaaliyaha Guud la noqdo dacwadiisa.”

Kaba soo qaad Madaxweynuhu wuxuu ku qancay eedaas. Maxkamadee awood u leh oo laga hor ooggayaa? si fudud oon geed loogu gaban aan u sheego; waxa eedaas qaadaysa Maxkamadda Sare ee Caddaaladda sida u cad Dastuurka qodobka 96 farqadiisa 5aad iyo Xeerka Nidaamka Garsoorka qodobka 7aad. Tusaale ahaan, dastuurku wuxuu dhigaa; "Waxaa eedda Ia xidhiidha Wasiirada qaadi doonta Maxkamadda Sare ee Cadaaladda (High Court of Justice)….”

Marka laga yimaad in dastuurku caddeeyey sida loo ooggayo, halka lagu dhegaysanayo iyo cida awood u leh inay dhegaysato, waxa jira laba arrimood oo dastuurku aanu si cad u sheegin oo u baahan fiirro sharci oo ahmiyadeeda leh, isla markaana keeni kara fakaag sharci (Legal gap).

Arrinka koowaad, dastuurku ma uu sheegin sida eeda loogu oogaayo Agaasimayaasha Guud oo ka mid ah masuuliyiinta sare ee digreetada Madaxweyne ku magacaabay, madaxweynuhuna la xisaabtamo sida ku cad qodobka 90aad farqada 3aad oo dhigaysa in awoodaha madaxweynaha ay ka mid tahay magacaabida iyo xil-ka-wareejinta madaxda sare ee dawladda oo ay ka mid yihiin Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha iyo Hay’adaha.

Sidaa darteed, eedayntoodu ma waxay la mid noqonaysa sida kuwa Wasiirrada iyo Wasiir-ku-xigeennada, kuwaasoo dastuurku cadeeyey sida loo eedaynayo iyo maxkamadda qaadaysa? halkaa fakaag sharci waa ku jiraa, balse maldahaada (Legal Rational) waxa ay iftiiminaysa in Agaasimayaasha Guud iyo Agaasime Waaxeedyada eedooda ay qaadayso Maxkamadda Gobolka oo ikhtisaasi u leh dambiyada musuq ay galaan muwaadiniinta iyo saraakiisha dawliga ah ee aan ahayn Wasiirada oo dastuurku sheegay in dacwadooda ay dhegaysanayso Maxkamadda Sare ee Caddaaladdu.

Sidaa darteed, eedaynta masuuliyiintan iyagoo isku xeer loo adeegsanayo, haddana dambiyadooda waxa kala qaadi kara laba maxkamadood oo kala sarreeya, maadaama dastuurka iyo Xeerka Nidaamka Garsoorku toos u shegeen in Maxkamadda Sare ee Caddaaladda lagu qadayo eeda dacwada dambiyada Saddexda Gole.

Arrinka labaad, waxa is waydiin mudan maxkamadda lagu qaadi lahaa eeda Wasiirrada ma tahay mid waqtigan yagleelan. Xeerka Nidaamka Garsoorka (Xeer lbr 24/2003) oo wax ka-beddel lagu sameeyey 2008, qodobkiisa 5aad, farqada 2aad waxa ay sheegta in ay maxkamadaha dalku ka kooban yihiin:

1. Maxkamadda Dastuuriga ah (Constitutional Court)

2. Maxkamadda Sare (Supreme Court)

3. Maxkamadda Sare ee Caddaaladda (High Court of Justice)

4. Maxkamadda Rafcaanka gobollada (Regional Appellate Court)

5. Maxkamadda Gobollada (Regional Court)

6. Maxkamadda Degmooyinka (District Court)

7. Maxkamadda Ciidammada Qaranka (Army Court)

Marka laga yimaad Maxkamadda Ciidammada qaranka oo hannaan gaar ah leh, waxa jira laba heer maxkamadeed oo ah darajada koowaad (Rafcaan, gobol iyo Degmo) iyo darajada labaad (Dastuuriga, Sare iyo Maxakamadda Sare ee Caddaaladda) sida xeerka Nidaamka Garsoorku caddeeyo. Waliba sida xeerku u kala horraysiiyey waxay u muuqata in Maxkamadda Dastuurigu ugu sarrayso, balse dastuurka oo ah xeerka inoogu sarreeya xeerarka aynu dhiganay, qodobkiisa 101aad waxa uu xusa Maxkamadda Sare tahay hay’adda u sarraysa ee garsoorka, isla markaana ah Maxkamadda Dastuuriga. Sida la isu waafajinayo arrimahan waa mid u baahan sharciyadeeda, maadaama xeerka nidaamku kala saaray.

Sida ku cad Xeerka Nidaamka Garsoorka qodobka 7aad farqada 3aad, Maxkamadda Sare ee Caddaaladdu waxay awood u leedahay dhegaysiga iyo ka go’aan gaadhida dacwadaha ciqaabta ah ee lagu soo ooggo xubnaha saddexda gole (Golaha Wasiirrada, Golaha Wakiillada iyo Golaha Guurtida)-halkaas lafteeda waxa ku cad in Agaasimayaasha Guud ay ka baxayaan xayndaabka sharci ee xubnaha maxkamadan la hor keenayo.

Waxa xusid mudan sida uu sheego dastuurka qodobka 96 (5) iyo Xeerka Nidaamka Garsoorka qodobka 7 (1) Maxakamadda Sare ee Caddaaladda (High Court of Justice) waxa ay ka koobnaanaysa Guddoomiyaha Maxkamadda Sare; afar garsoore oo ka tirsan Maxkamadda Sare iyo afar xubnood oo ka tirsan Golayaasha Baarlamaanka (Guurti iyo Wakiillada) oo Gole waliba soo doorto laba xubnood.

Iyadoo ay fududahay in si deg deg ah Maxkamadda Sare ee Caddaaladda loo dhiso, maadama la helayo xubnaha dhidibka u ah dhegaysiga dacwadan, balse waxa imaan karta dabbar dhinaca hannaanka dacwad dhegaysiga ah, maadaama aanay jirin khibrad hore oo ku saabsan maxkamadan. Xubnaha sharciyaqaannada ah wax caqabad ah kuma yeelanayso hannaanka dhegaysiga dacwadu, balse xubnaha Golayaasha Barlamaanka ka imanaya waxay u baahanayaan in loo eego khibradooda sharci si ay u fahmi karaan hannaanka sharci ee dhegaysiga dacwada.

Waxa xusid mudan in Maxkamadda Sare ee dalku muddo inoo dhisnayd, balse Maxkamadda Dastuuriga ah iyo Maxkamadda Sare ee Caddaaladda oo xilli le’ ah aanay wali dhisnayn, uuna baahan yihiin in la dhiso oo garsoorkii khibrada u lahaa la helo.

Labada arrimood waa laba u baahan in fahan sharci loo yeesho. Sharcigu waxa uu u baahan yahay fahan dheeraad ah iyo in la isla eego dastuurka iyo shuruucda kale ee dalka taala. Macnaheedu maaha in aan ka sii hordhacay eedaha musuq ee loo haysto masuuliyiinta, balse waa arrin imaan karta mar kasta, maadaama aynu galnay yidiidilo la-dagaalan musuqmaasuq.

Wixii aan ka tegay amma dood amma sixid garyaqaannada kale baan uga tegay.

Alla Mahad Leh

Ibrahim Khadar

[email protected]


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...