Ninkii Taag Yari Isagaa Tegi ( Abdi-Shotaly).

0
Wednesday February 12, 2020 - 08:42:31 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1399
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 4
  • Share via Social Media

    Ninkii Taag Yari Isagaa Tegi ( Abdi-Shotaly).

    Halkan waxan idiin ku soo koobayaa, waxa ka socdda dalka ee la door-biday,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Halkan waxan idiin ku soo koobayaa, waxa ka socdda dalka ee la door-biday,
iyo arimha isla yaab isla diidka ah, ee iga hooya waa kuwane. Aduunkan isla yaabkii baa ugu cajaa'ibsa-naaday, wixii miyirka iyo qun-yar socodka lagu tilmaami jirey, hadeer waxay ku danbeeyeen in lagu fasilo dad xun, kuwii waalidda iyo fudaydka lagu yaqaanayna, waxay imika yihiin qurux iyo raganimo. Wanaaggii iyo wixii wacnaa waa laga cararo, xumaantii baa durbaan tumaysa oo lagu dareeray. beentii iyo munaafaqaddii illaah nacdalay, waxay soo baxday farsamadda loogu qaatay, ee aad deg-deg ugu xoolysan karto, magacna lagu yeesho ( Sidda askarta Raggii ma adigaa ka hadhay iyo geenyo shaaximan), Runtii wax laguma dheefo, lama maqli karo, hantina laguma xoog-sado, lama dhegeysto ciddii xaqa sheegta, oo waa denbiila-yaal qaran, gar-daro garab og baa dhoosha ka qoslaysa. Qabyaaladu iyadaa diintii ka fiicnaatay, wixii kitaabku sheegay, ee ahaa qawlkii illaahay, tolaay baa looga dhego nugul yahay, xaaraantii waxay tahay ta ugu macaan, si yar oo dhakhso ahna aad waxaad rabto ku soo heli karto, xalaal cunkii daaqaduu ka booday, oo waxa la yidhi waa ma shaqayste, aan beer baaryey kuu kala goynayn, beentii waxay noqotay mid la isku soo jiito, axaadiistii iyo quraankii dheg looma jalaqsiiyo, basarkii, xishoodkii, anshaxii dhawrsanaa iyo eedaabtii suubanayd, waxa lagu bedeley ceebayn iyo in la yidhaaho waa amuumo aan wax kala ogayn, tuuga-nimaddii waa lagu faanaa, daacaddii wakhtigan waa nacasnimo aan cidi wax ku falayn, fariidkii aynu naqaanay imika waa duuf-laal, doqonkii aan kaa baydhi jirini, isna samadaas intuu salaan dhigtay, buu dhakadda kaaga soo kaajayaa, fulay-giina waaba geesi is nacay ( Sidda Askariga Hor joogaha ka ah Hargeysa iyo geenyo shaaximan). Ninkii ragga ahaana jirey ( sidda Dhega-weyne iyo Ina MIre), Wuu dhuuntaa wakhtigan aynu joogno. Kuwii aan meela u soo marin baa loogu yeedhaa waa mujaahid, Dhataqlihii wuxu soo baxay siyaasi af-tahama ah, oo aan la loodinayn ( Sidda Af-dullaq), ee bal ka warama. waa duni wadaadkii adimay loo dagaal teagy, oo la yidhi muxuu salaadda hore noogu qaylina-yaaye.



Akhristaw horaa sarbeeb somaliyeed u ahayd " Dadka madaxa ku socdaa, kuwa lugaha ku socdda bay la yaabaane, Dalkii waad aragtaan halkuu maraayo, waxa dhaqan rogay " Kulmiye" oo si wacan u qudhmiyey, wax walba xaga xun buu u rogay, xoolihii madaxa laga gawrici jirey, hadda calooshaa tooray laga geliyaa isaga oo taagan, iyadda oo aan haragii laga saarin, baa qaniinyo caydhinka lagu goos-goostaa, Muwaadin meel inoo fayoobi ma jirto subaxaas saaka ah. Wixii laga yaq-yaq-soon jirey baa imika loogu jecel yahay. Wuxu "Qudhmiye" ku xaragoodaa, eexddii, isku dirkii, qabyaalad aan geed-na loogu soo gaban, is-nacsiin ummadda la kala dhex dhigo, xadhig iyo cadaawad joogto ah, oo aan loo dhamayn ( loola jeedo in gaar ah), denbii-lihii oo xariir laga dhigay faraxalan, kii saxa ahaa iyo xaq u dirirka oo isna loo xambaari-naayo wax aanu falin, geyin oo aanu shuqul ku lahayn, oo lagu sheego qof fawaaxish wadda. daboola-yaalkii iyo dumarkii is qabay, ee aduunka ugu caansanaa baa la casuumaa, oo ictiraaf la biday in ay keenayaan, ujeeda-duna ay tahay u dhameeya meesha ha lagu kala guuree. Waxa aanu caad idinka saarnayn, halka ay kala joogaan goboladu iyo beeluhu, is aaminaaddii oo dhimatay, qaar-kood-na ay meesha-ba ka baxeen. Maadaama uu sidaas xaal yahay, maxaynu isu sheegaynaa? Maxaase hadda inoo hadhsan oo aan ka fekereynaa ama sugaynaa? Tuugtan ururtaay, ma tolaay baa tamar kuu noqon? Tuhun beenaad toogo moodee, anaase ku toli, oo ku taab-siin. taag-taad leedahay.


Murti kale baa waxay ahayd  akhristaw " Riyaha qaawan baa idaha asturan ku qosla" Wixii fiicnaa waa laga dhaqaajiyey, xumaan baa habeedda la isugu saydhay, ilayn dan baa ugu jiree. Waa sidaas oo wax taagan weeye amuurtani, in xumaantii ay dhoola tus ku jirto, soona dul martay wanaaggii, oo weliba ku haysato xoog, cid qabanay-saana aanay jirin, oo wacnaantii lagu adoon-sado awood baa xaalku marayaa. Markay sidaas tahay, saw kala dareera maaha iyo nin iyo nasiibkii halkay hashiisu ugu dhasho ama farsama-diisa raganimo iyo garasha-diisuba waxay u taraan. Waxan ku soo gabaga-beeyey qoraalkan, wax kastaa waxay leeyihiin meel ay ku arooraan iyo god ay ku biyo shubtaan, cid mansuuliya-deedda leh, oo ka dambeeysa, sansaanka wejiyadda badan ee inagu soo mutuxan, siddii udub-dhexaadkii aqalka dhex ka taagnaan jirey. Malaha hadaad garanay-saan waa ka digtoo-naan lahay-deene, qaar-kiina way u badhee-dheene, oo cayn-kaas bay ku faraxsan yiihn uguna dhalaysaa. Haan-tuna subug badan u bixinaysaa, waayo ilma-adeerkii buu durbaanka u garaacayaa, isaga oo diidan waxa uu kharibaayo, in uu ku cadeeyo, laakiin u asturaaya xumaan-tiisa, ilayn dufan baa ugu jira keliggii, dhiisha ay ummadu wadda lahayde, oo isaga loo xambaariyey waxa aynu isla garanayno'e. Waxan kuu soo xaydaamay oo aan kaag baxayaa, Waxaas oo dhan waxa abuurey "Qudhmiye" gaar ahaan askarta iyo Maxamuud beenaale ( Maxamuud xaashi baad u taqaanaane), tan iyo intii uu Xanuunsaday ( Illaha Caafimaad ha siiyo'e) Madax-weyne Siilaanyo, kuwa cudur-kaba ku riday waa " Geenyo iyo kuu cagaha u maydho, ee la yidhaaho Raggii ma adigaa ka hadhay"Shaki kuma jiro, in ay aabo u yihiin, waxa aan sare ku soo taxay iyo weliba wax aan xaashi iyo laba mid-na aan lagu soo koobi karin, oo ciidaas camaaray ka badan. Ka-ka murma-yaana waa mid si kale u diidan, oo meel iskaag baydh ah. Taas oo aan caad inaga saarnayn, Waxay uga soo hor jeedaan ee kale bal adigu ummadda u sheega kuwa noo amaanayaw.
* N.B Durbaan Adigu Tumo Ama Nin Ku Xigaa Ha kuu Tumo!
Abdi-shotaly.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...