Masuuliyada Fashilka Col. Biixi iyo cida loo aaneynayo(FAALLO)

0
Wednesday February 12, 2020 - 08:18:56 in News by Abdikadir Guled
  • Visits: 2876
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Masuuliyada Fashilka Col. Biixi iyo cida loo aaneynayo(FAALLO)

    Taliye Muuse Biixi fashilka hogaamin ee sababy dib u dhaca bulsho ee Somaliland iyo suaalaha bulshada horyaala

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliye Muuse Biixi fashilka hogaamin ee sababy dib u dhaca bulsho ee Somaliland iyo suaalaha bulshada horyaala

Hargeisa (HWN) – Horjoogaha xukuumada fashilintay ee Jamhuuriyadii loo hanka weynaa ee Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa guuldaradiisa siyaasadeed loo aaneynayaa dhawr arrimood oo is barkan.


Taageereyaasha Horjoogaha oo la dhacsan kuna qanacsan sida cadaalad darada ah ee uu beelahooda ugu miisay wixii ummadda u dhexeeyay, isla markaana aasay hamigii guud ee Jamhuuriyadii dhiiga loo soo huray.



Taageereyaasha Horjoogaha talada la kufay ee Muuse Biixi ayaa damac xumadooda u heysta in sababta loogu soo halgamay dalka ay aheyd in faro kutiris ku tagri falo hantida ummadda.


Sidoo kale, shacabka Somaliland oo intooda badan xaadir ahaa dharaarihii qadhaadhaa ee la soo maray, ayaa dan biday in ay iska indho tiraan, ku tumashada shuruucda dalka ee Muuse Biixi.


Ta taa ka daran ee dalka halkaa dhigtay waa labada hogaamiye mucaarid, ee ummadda ku maaweeliya kolba dood jilicsan iyo qorshe xume mar walba ku danbeysa tilaabo hore u qaad, shan tilaabo dib u qaad.


Hogaamiyeyaasha UCID iyo Wadani oo qudhooda isku xeeray qaraabadooda intii uGu talada xumeyd ayaa oosaasin iyo dano shaqsiyadeed ka doorbiday doorkoodii siyaasadeed ee dalka.


Iyaga oo ku doodaya in ay dalka u turayaan ayay aqbaleen, ku shubashadii Kulmiye, boobkii xukuumada ee xilalka iyo hantidii dalka, iyo ta u daran, siyaasad xumo dalkii ku soo ururisay madaxtooyada.


Shacabka waxa horyaala suaalo aaney weli cidi weydiin oo kala ah, maxaa dalka loo rogay hadii Muuse iyo kheyrkii laga ogolaanayo tacadiyada? Maxey ku kala duwan yihiin tacadiyada sokooye iyo kuwa shisheeye?


Jawaabta suaashaa waxaan u deyneynaa inta dhab ahaanta u jecel Somaliland, ee aan Hogaamiye Muuse ku taageereyn sad bursiga reereed ee aaney inta badan waxba kaga soo haagin.


Hadhwanaagnews Hargeysa

Loading...
Loading...