Gudoomiyaha Xidhiidhka Kubada Cagta Somaliland Oo Kulan La Qaatay Dhigiisa Itoobiya Iyo Qodobada Ay Ka Wada Hadleen

0
Tuesday February 11, 2020 - 20:27:42 in News by
  • Visits: 1681
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gudoomiyaha Xidhiidhka Kubada Cagta Somaliland Oo Kulan La Qaatay Dhigiisa Itoobiya Iyo Qodobada Ay Ka Wada Hadleen

    Gudoomiyaha Xidhiidhka Kubada Cagta Somaliland Oo Kulan La Qaatay Dhigiisa Itoobiya Iyo Qodobada Ay Ka Wada Hadleen

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gudoomiyaha Xidhiidhka Kubada Cagta Somaliland Oo Kulan La Qaatay Dhigiisa Itoobiya Iyo Qodobada Ay Ka Wada Hadleen


Hargeysa(HWN):-Guddoomiyaha Xidhiidhka Kubadda Cagta Somaliland Mr. Maxamed-Amiin Cabdi Dixood oo safar shaqo ku joogay maalmihii ugu dambeeyay Caasimadda dalka Itoobiya ee Adis Ababa ayaa kulan la qaatay Guddoomiyaha Xidhiidhka Kubada Cagta Wadanka Ethiopian Football Federation EFF ahna Guddoomiye ku-xigeenka CECAFA Mr. Issayas Jira iyoMasuuliyiin kale oo ka tirsan Guddida Fullinta EFF.

Image may contain: 2 people, including Mohamoud Amiin, people smiling, people standing and suit


Guddoomiyaha Xidhiidhka Kubada Cagta Somaliland Maxamed Ammiin Cabdi Dixood ayaa waxa uu uga war-bixiyey Xidhiidhka Kubada Cagta ee dalka Itoobiya ciyaaraha kala duwan ee Somaliland, gaar ahaan kubadda cagta isaga oo usoo ban-dhigay wax-qabadkii u qabsoomay muddadii u jiray,isagoo usoo bandhigay usoo ban-dhigay Qorshayaasha Mustaqbalka ee u Qorshaysan Xidhiidhka Kubada Cagta Somaliland.


Sidoo kale waxaa uu hoosta ka xariiqay in wax baddan oo ay xaq u leeyihiin uu kaga maqan yihiin Xidhiidhada Kubaddaha Cagta ee kala ah CECAFA, CAF iyo FIFA, taas oo Guddoomiyaha Xidhiidhka Kubadda Cagta Ethiopia ahna Guddoomiye Ku-xigeenka Xidhiidhka Kubadda Cagta Barriga iyo Badhtamaha Afrika CECAFA uu ka muujiyey garawshiyo dheeriya iyo tallooyinba.


Guddoomiyaha Xidhiidhka Kubada Cagta ee Itoobiya ayaa waxa uu balanqaaday in Xidhiidhka Kubada Cagta Somaliland ka Caawin doonaan Tababarada Garsoorka, Tababarka Macallimiinta Qalabka iyo qaab dhismeedkiisa.


Sidoo kale Guddoomiyaha Xidhiidhka Kubadda Cagta Ethiopia Mr. Issayes Jira ayaa waxa uu ku Hambalyeeyay Xidhiidhka Kubada Somaliland waxa u qabsoomay,
waxaana uu sheegay inay wada shaqeyn la yeelan doonaan Xidhiidhka Kubada Cagta Somaliland.


Loading...
Loading...