Madaxweynaha Algeria Oo Ku Dhawaaqay Isku Shaandhayn Ballaadhan Oo Golaha Wasiirrada Ah

0
Monday April 01, 2019 - 07:59:53 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1977
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Algeria Oo Ku Dhawaaqay Isku Shaandhayn Ballaadhan Oo Golaha Wasiirrada Ah

    Madaxweynaha Algeria Abdelaziz Bouteflika ayaa ku dhawaaqay isku shaandhayn ballaaran oo golaha wasiirrada ah,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Algeria Abdelaziz Bouteflika ayaa ku dhawaaqay isku shaandhayn ballaaran oo golaha wasiirrada ah,

 kadib todobaadyo ay socdeen dibadbaxyo ay dhigayeen dad dalbanaya in uu iscasilo.


Telefishanka qaranka ayaa ku warramaya in 21 kamid ah golihii wasiirrada dalkaas ee 27-ka ahaa la baddalay.

Telefishinka Ennahar ayaa sheegaya in Noureddine Bedoui uu sii ahaan doono Raysul Wasaaraha dalkaas.

Bouteflika ayaa sii hayn doona jagada wasiirka gaashaandhigga, maalmo uun kadib markii taliyaha awoodda badan ee ciidanka dalkaas, Gen Ahmed Gaed Salah, uu ku baaqay in madaxweynaha xanuunsani uu iscasilo.



Golaha wasiirrada ee cusub ayaa waxaa kamid ah Sabri Boukadoum oo lagusoo warramyo in uu baddalay wasiirkii arrimaha dibadda Ramtane Lamamra.

Mohamed Arkab ayaa baddalay wasiirkii tamarta Mutapha Guitouni, halka wasiirka maaliyadda Abderrahamane Rouia lagu baddalay madaxii bangiga dhexe Mohamed Loukal.

Xukuumadda dalkaas wali si rasmi ah uma aanay xaqiijin magacaabista xubnahaas.


Dhanka kale, sida ay warbaahinta dalkaasi ku warramayso nin ganacsade ah oo ay aad isu dhawaayeen Mr Bouteflika ayaa la xiray xilli uu isku dayayey in uu u tallaabo dalka dariska la ah ee Tunisia.

Ali Haddad ayaa ah mid kamid ah ragga ugu hodansan dalkaas wuxuuna muddo dheer taageero u ahaa madaxweynaha dalkaas.


Warbaahinta Algeria ayaa sheegtay in Mr Haddad, oo 54 jir ah oo sitay baasaboorka Britain iyo lacago fara badan la xiray mar uu doonayey in uu gaadhi kaga gudbo soohdinta uu dalkaasi la wadaago dalka Tunisia.


Wali ma cadda sababta xadhiggaas. Mr Haddad ayaa dhawaan iska casilay madaxa ururka shaqaalaha Algeria ee FCE loo soo gaabiyo.


BBC

Loading...
Loading...