Dawladda Qadar Oo Lacag Malaayiin Dollar Ah Ku Maal-Galinaysa Dawladda Somaliya

0
Thursday February 28, 2019 - 14:19:20 in News by Super Admin
  • Visits: 981
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dawladda Qadar Oo Lacag Malaayiin Dollar Ah Ku Maal-Galinaysa Dawladda Somaliya

    Dowladda Qatar ayaa sheegtay in lacag dhan 73 Milyan oo riyaalka lacagta Qadar ah una dhiganta $20 Milyan oo dollar ku kabeysa miisaaniyada dowladda Soomaaliya ee sanadkan 2019ka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Qatar ayaa sheegtay in lacag dhan 73 Milyan oo riyaalka lacagta Qadar ah una dhiganta $20 Milyan oo dollar ku kabeysa miisaaniyada dowladda Soomaaliya ee sanadkan 2019ka. Arrinta ayaa imneysa kaddib markii magaalada Doxa ee dalka Qatar kulan ku yeesheen madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo iyo Amiirka dalka Qadar Tamiim bin Xamaad Al-thaani.

Kulanka labada mas’uul ayaa sidoo kale la iskula gartay dardar-gelinta mashaariicda horumarineed ee ay dowladda Qadar ka fulinayso Soomaaliya iyo dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha oo muhiim u ah dib u soo kabashada dhaqaalaha guud ee Soomaaliya iyo isu socodka badeecadaha iyo dadweynaha.

Dowlada Qadar ayaa maalgelineysa dhismaha wadooyinkan isku xira magaalooyinka Muqdisho, Afgooye iyo Jowhar oo ka kala tirsan Gobolada Banaadir iyo Labada Shabeelle, iyadoo Ra’iisul Wasaare Kheyre uu dhagax dhigay mashrucaas 18-kii bishan.


Loading...
Loading...