Cali Dhuux Iyo Jacaylkuu Geella U Qabay:

0
Tuesday February 11, 2020 - 10:44:07 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1937
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cali Dhuux Iyo Jacaylkuu Geella U Qabay:

    Cali aadan gorayo wuxu ahaa nin si walba ugu tirsan ragii hore ee maansada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Cali aadan gorayo wuxu ahaa nin si walba ugu tirsan ragii hore ee maansada
ama suugaanta soomalida wax dheer loogu deeqay.

Wuxu ahaa geesi aan cadkiisa loo muhan karin, wuxu u ahaa colwadeen tolkiisa, wuxu sidoo kale ahaa ragii ugu horeeyey gabay iyo geeraarba ku amaanay waxdheefkii xiligaas soomali ugu qaayaha iyo qiimiga badnaa ee geela.



Cali dhuux waa ninkii dhaca culimada iyo caamadu ay isaga iskugu midka u ahaayeen dharaar noolbana ku hawlanaa dhicinta geela oo ahaa meesi uu aad u jeclaa, wuxu kamid ahaa ragii dhab u aaminsanaa in geel la’aani ay nolol la’aan tahay, wuxu kamid ahaa ragii meerisyadii asbax xasan deri u riyaaqi jirey kolkuu odhan jirey:


·       Bada jiidhayaa iyo beriga jaanta mariyaaba

·       Walee jacaylkaan geel u qabo waa u jirabi ruuxa.


Wuxu  kamid ahaa ragii iyagoo muslim ah  marka ay u shubayaan geela ku hees jirey in salaadu iyo geela geela la hormariyo salaadana dib laga qaleeyo ee odhan jirey

·       Salaadiyo sub

·       Salaadaa daran

·       Suub haday timid

·       Salad la qalee.


Wuxu kamid ahaa ragii lagu sidkay jacaylka geela iyo muxibadiisa ragii madaxa u ruxi jirey meerisyadii samatar baxnaan kula dar-daarmay afadiisa kolkuu qiimiga geela u sheegayey iyo sida aanu geelu u mudnayn in cid la siiyo xataa hadii odayga ku dhalay kaa doono waxaanu yidhi:

·       Adhi iyo lo’ baa lagu baxshaa aano kuu timide

·       Aarlaaga geela ah naftaa lagu ilaashaaye

·       Kolay aabahaa tahay nin kale looma aamino.


Cali dhuux wuxu gabaygan inu barayaa sida geela loo dhaqaaleeyo, wuxu si faahfaahsan inoogu sheegayaa Tabaha uu geela u dhaqo iyo sidu ugu Hagar baxo, sidu u jeelbixiyo, sidu u arooriyo uguna shubo ceelasha kuwa ugu biyaha wanaagsan, sidu tuugta uga ilaaliyo, sida markaa kadib uu u ekeeyo barimaha ugu wacan ee uu jecelyahay waxaanu Wuxuu yidhi Abwaanku:


·       Haddaan baawar kama waayayee, bilo dhaqaaleeyo

·       Barrimada caleentana leh haddaan, bariba meel geeyo

·       Markay balaxsi doontana haddaan, dhanaha boobsiiyo

·       Bartuu fadhan ku yaallana haddaan, baalash kaga jiido

·       Middii aan dhukaan bido haddaan, biimo ku ogaado

·       Goortii ay bogsootana haddii aan, badhi fuudsiiyo

·       Haddaan baanto xooluhuba way, badan xumaadaane.

·       Baadida lumaysiyo haddaan, baylah ka ilaalsho

·       Bahalkiyo waraabaha haddaan, Baar ka celinaayo

·       Haddaan baytimaal kuma gashee, Buro xannaaneeyo

·       Inay budato mooyee haddii, bixinta loo diido

·       Haddaan naago kuma baayacee, baali laga dhiibin

·       Barbaarnimiyo doobnimo haddaan, baaqi ku ahaado

·       Anigoo basaas qaba haddaan, bawdka hore seexdo

·       Boolbaraha ciiddiyo haddaan, boorashka u jiifo.

·       Waa baxarka gelee haddaan, bidho ku haaneedo

·       Bakhayl magac ma yeeshee haddaan, bixiyo dheefteeda

·       Haddaan labanka Boodey martida, ugu bashaasheeyo

·       Bun haddaan u dubo oo wadaad, baro ku yaasiimo

·       Haddaan baraha jiilaal kobtii, baadle ku ekeeyo

·       Bandarada magaaliyo haddaan, balad u moogaado

·       Buugtiyo iskuullada haddaan, barashadood daayo.

·       Haddaan kabo banbiira ah toshiyo, rabadhka baabuurta

·       Haddii anan bashlaynine xarrago, baal isaga tuuro

·       Baqoole iyo guuraba haddaan, baadhi la ahaado

·       Bilaheeda oo idil haddaan, Baayir daba joogo

·       Barigay dhalaysana haddaan, boqon ku seeteeyo

·       Barqin horada laba goor haddaan, baaciyoo celiyo

·       Goortay cabbaar biliqsatay, meel is babacdaaye

·       Bishamaha madow iyo markay, buulka hore keento

·       Haddaan nirigta beydaanka dheer, bogga ka soo jiido

·       Bishaaraan idhaahdaa intaan, bururo reynreyne

·       Basarka geela loo dhaqo haddaan, baab walba idleeyo

·       Intaasoon ku baaqtamay haddaaan, been ka dhigi waayo

·       Saw badashadiisu waa waxyare, boqol ma dhaafaayo.


Mar kale isagoo geel uu xer culimo ah kasoo dhacay culimadii lahayd u diiday inu u celiyo ayuu gabyey marka hore  wuxu culimadii u sheegay fikradii uu aaminsaa ee ahayd "nimaan geelahayni inu sharaf laawe yahay” isaguna aanu la’aantiis ku gali Karin, wuxu u sheegay haduu geel dhaqan waayo waxa sugayaa waa inu magaaloyin xeebaha kuyaal qabto oo gaalka xukuma shaaha u kariyo arintaas oo cali dhuux iskala hanweynaa, wuxu culimada ku waaninayaa wacdiga iyo baryada inay iska joojiyaan wuxu yidhi cali dhuux:


·       Sharad bay mareen awgayoow shan aan uwaynaaye

·       Ninkaan shini heemaal lahayn sharaf ka dheeraaye

·       Karuur show leh caanaha shamaal looma soo shubo’e

·       Shacabkana ma dhaafo oo baduu shabag ku tuuraaye

·       Shuqulka gaalka kama maarmo oo shaahu kariyaaye

·       Aniguna shahiid waa waxaan shiiluhu u ridaye

·       Shiinkiyo wardiga aad akhriyi shicir ku aadaanka

·       Waxba hays shirabin waa arkaa sheekh inaad tahaye.


Cali dhuux wuxu wadaadkii war ugu soo gabogabeeyey wadaadow geel aan ku celiyo ma haaneedi doontide meesha isaga dhaqaaq, warkiina wuxu ugu idleeyey anigu geel iyo dhaqashadii mooyee wax kale oo aan aqaanaa ma jirto ee adigaaba sheekh ah oo quraankii alle ku baray aad dadka wax kaga heli, isaga dartiisna reerkastaaba wuu ku karaamayn, wanan shilis waa laguu loogi wuxu yidhi cali dhuux:


·       Shayb waalan iyo wiil yarbaa shaac idiin naqo’e

·       Shan hadaan ka helay maalintii shaaxin sidigteeda

·       Caanaha hadhuubkaan shaqladay sheema laga buuxshay

·       Shukri aan naqo shaxaan dhigto iyo shalaqso mooyaane

·       Shaki bay iga galay awgayow inaan shaqeeyaaye

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...