Waxyeellada Maskaxeed Ee Ay Ciidamada Mareykanka Kala Kulmeen Weerarki Iran Oo Sare U Kacay

0
Tuesday February 11, 2020 - 07:52:53 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1462
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waxyeellada Maskaxeed Ee Ay Ciidamada Mareykanka Kala Kulmeen Weerarki Iran Oo Sare U Kacay

    Waaxda gaashaandhiga Mareykanka ee Pentagon ayaa sheegtay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waaxda gaashaandhiga Mareykanka ee Pentagon ayaa sheegtay

 in tirada askarta ay dhaawacyada dhanka maskaxda ah ka soo gaareen kadib marki ay Iran weerarka ku qaadday saldhig uu Mareykanka ku leeyahay Ciraaq ay sare u kacday taas oo gaadhay ilaa iyo 109 askari.


 

Waxayna taasi micneheedu yahay in 64 askari oo dheeraad ah uu saameyn ku yeeshay weerarkii 8-ddii bishii Janaayo Iran ku qaadday xeradii ay ciidamadaasi ka daganaayeen Ciraaq.

 

Madaxwayne Donald Trump ayaa sheegay in uusan jirin askar wax ku noqotay weerarkaasi dhacay 8-dda January, islamarkaana weerar ay Iiraan kaga aargoosanaysay dilkii ay Mareykanka dileen Janaraal Qaasim Suleymaani.



Wasaaradda gaashandhigga ayaa sheegatay in boqolkiiba 70 ciidamada dhawaca soo gaaray ay hadda dib ugu labteen shaqooyinkooda.


Joni Ernst, oo ah Xildhibaan ka tirsan xisbiga jamhuuriga ayaa maalintii isniinta codsaday jawaabo dheraad ah

''waa muhiim in aan haysano qorshe lagu daawynayo ciidamadan dhawacu soo gaaray''


'' waxaan ugu baaqay waaxda gaashandhigga Pentagon inay xaqijiso badqabka iyo daryeelka ciidamadeena oo halis ugu jiro in dhawacyo qarax uu kasoo gaaray ciraaq,'' ayuu bartiisa twitterka ku qoray.


Pentagon-ka ayaa sheegay ineysan jirin askar Mareykan ah oo lagu dilay weerarkaasi, sabatoo ah waxay ku dhuunteen gaabyada difaaca milatariga.


Waaxda gaashaandhiga Mareykanka ee Pentagon-ka ayaa markii hore shaaciysay in 34 askari uu dhaawacyo dhanka maskaxda ah ka soo gaaray kadib weerarka Iran.


Mareykanka ayaa waxaa dalka Ciraaq ka jooga askar ay tiradoodu gaarayso 5000 oo askari.

 

BBC

Loading...
Loading...